Wararka Soomaalida
Ku dhawaad 10 ruux oo gaalakacyo lagu dilay
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaaljacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay lagu dilay 9 ruux oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii 9 kooduba qofba xaafad laga soo ka xeeyay ka dibna hal meel lagu wada dilay. Dadkan ayaa lagu dilay xaafad ka mid ah degmada Gaalkacyo dhinaca Maamulka […]
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaaljacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay lagu dilay 9 ruux oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii 9 kooduba qofba xaafad laga soo ka xeeyay ka dibna hal meel lagu wada dilay.
Dadkan ayaa lagu dilay xaafad ka mid ah degmada Gaalkacyo dhinaca Maamulka Galmudug uu ka arimiyo.
Dablay hubaysan ayaa la sheegay inay falkaas ka dambeeyeen wararka qaar ayaa sheegaya in dablayda wax dishay ay ka mid yihiin Ciidamada Maamulka Galmudug sida wararka ay sheegayaan.
Falkan ayaa waxaa ka horeeyay todobaadkii jore oo sidasn oo kale duleedka dhuusa mareeb loogu dilay 5 qof oo isla Koonfur galbeed ka soo jeeda.
Dhacdooyinkan ayaa waxay imaanayaanka dib markii Madaxa Golaha wasiirada Maamulka Galmudug Maxamed shaakir Cali Xasan uu soo saaray amar ah in dadka deegaanada Koonfur Galbeed ka soo jeeda 24 saac gudahooda uga baxaan Galmudug.