Wararka Soomaalida
Ku xigeenka G/Banaadir oo la kulmay ciyaartooy ka timid Sweden
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay dhalinyaro Soomaali ah isla markaana ciyaartooy ah oo dalka dibadiisa ka yimid.
Dhalinyaradan ciyaartooyda ah ayaa waxay ka yimaadeen dalka Sweden waxayna Muqdisho uyimaadeen sidii ulaciyaari lahaayeen dhalinyarada Ciyaartooyda ah ee ka tirsan kooxaha ciyaaraha ee ka dhisan magaalada Muqdisho sida uu sheegay Maxamed Cabdullaahi Tuulax.
Sidoo kale Tuulax ayaa sheegay in dhalinyaradan ka timid Qurbaha Muqdisho ay uyimaadeen sidii ay u baran lahaayeen dalkooda,dadkooda iyo dhaqankooda iyagoo ku dhashay dalka Sweden ee hadda ay ka yimaadeen.
“Waxaan maanta Xafiiska igu soo booqday dhalinyaro ciyaartooy ah oo ka yimid dalka Sweden kuwaas oo u yimid inay la cayaaraan kooxaha kala duwan ee ka cayaara magaalada muqdisho waxay sidoo kale Muqdisho u yimaadeen sidii ay dalkooda ,dhaqankooda iyo dadkoodaba u baran lahaayeen “ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo amniga maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.