Wararka Soomaalida

Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdi la socda oo Sucudiga gaaray

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta gaaray dalka Sucudiga waxaana la sheegayaa wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ee gaaray dalka Sucudiga in casuumaad rasmiga ah ay ka helayno Boqortooyada dalkaas. Wafdiga uu hogaaminayo Mahadi Maxamed ayaa waxaa ku jira oo ka mid ah Wasiirada Maaliyadda […]

Published

on

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta gaaray dalka Sucudiga waxaana la sheegayaa wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ee gaaray dalka Sucudiga in casuumaad rasmiga ah ay ka helayno Boqortooyada dalkaas.

Wafdiga uu hogaaminayo Mahadi Maxamed ayaa waxaa ku jira oo ka mid ah Wasiirada Maaliyadda iyo xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay Saxaafadda ka dib markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Riyadh ee Caasimadda dalka Sucudiga ayaa waxaa uu sheegay in safarka ay ku joogaan Sucudiga uu yahay mid ay ugu danleeyihiin sidii dowladda Sucudiga ugala hadli lahaayeen arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya iyo in Sucudiga kaalin weyn ka ciyaaraan qaabka ugu fudud ee deymaha lagu leeyahay Soomaaliya looga cafin lahaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiir Bayle in Madaxda Sucudiga ay kala hadli doonaan dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo Acmaasha Xajka sidii muwaadininta Soomaaliyeed loogu fudadayn lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version