Wararka Soomaalida

Kulan deg deg ah oo ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caawa waxaa kulan deg deg ah iskuuga yimid qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo Taliyaasha amniga ee Soomaaliya. Kulankaas ayaa waxaa looga arinsanayaa xaalada amaan ee Soomaaliya gaar ahaan tan Magaalada Muqdisho ee sii xumaanaysa wixii laga yeeli lahaa. Mas,uuliyiinta kulanka deg deg ah […]

Published

on

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caawa waxaa kulan deg deg ah iskuuga yimid qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo Taliyaasha amniga ee Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa looga arinsanayaa xaalada amaan ee Soomaaliya gaar ahaan tan Magaalada Muqdisho ee sii xumaanaysa wixii laga yeeli lahaa.

Mas,uuliyiinta kulanka deg deg ah ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye,wasiirka Gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed,Gudoomjyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Taliyaasha Booliska,Milatariga iyo Nabad sugida.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaya Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxaana lagu falan,qaynayaa wax ka bedelka xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho iyo xirnaashaha wadooyinka badi ee Magaalada.

Dhinaca kale isla fadhigaas ayaa waxaa looga doodayaa maalinta beri ah oo wasiirka amniga,wasiirka arrimaha gudaha wasiirka gaashaandhiga,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Ciidanka ee lagu wado in beri ay hortaagan kulanka Golaha shacabka ku dib markii dhawaan loogu yeeray xarunta Golaha shacabka si wax loogu weydiiyo xaalada amaan ee Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyadoo hadda Kulanka uu yahay mid looga xaajoonayo wixii beri ay la hortegi lahaayeen Golaha shacabka wasiirada iyo Taliyaasha loogu yeeray kal fadhiga Golaha shacabka.

Kulanka caawa ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga arinsanayaa sida laga yeelayo kulanka beri iyo sidii warbixin aan iska hor imaaneyn Xildhibaanada ay siin lahaayeen Wasiirada iyo taliyaasha loo yeeray.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mas, uuliyiintan ka dhageesanaya warbixinada ay beri la hortagayaan xarunta Golaha shacabka si ay u siiyaan Golaha shacabka warbixino ka hadlaya xaalada dalka mas,uul kasta meesha uu qaabilsan yahay.

Kulankan labada ajende leh ee ka socda xafiiska Ra’iisul ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xaalada amaan ee Muqdisho faraha uu ka sii baxayo waana markii ugu horeysay Golaha wasiirada Xasan Cali Khayre iyo Taliyaasha Ciidamada ay uyeeraan Golaha shacabka labadii sano ee la soo dhaafay inta dowladda Madaxweyne Farmaajo ay xilka la wareegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version