Wararka Soomaalida
Kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu duceeyay dadkii ku dhintay qaraxii Shaamow
Maanta oo kale 3-dii Bishii December ee sannadkii 2009-kii ayaa waxaa Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax noociisu ahaa ismiidaamin kaas oo ay ku geeriyoodeen dad u badnaa mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda KMG xili halkaas ay ka socotay munaasad ay ku qalin jebinayeen Arday baratay Cilmiga Caafimaadka ee lagu dhigo Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo isugu jiray Wasiiro ka tirsanaa dowladdii KMG aheyd ee Madaxweynaha uu ka ahaa Shariif Sheekh Axmed Siyaasiyiin,Dhaqaatiir,Ardaydii qalin jebineysay qaarkood,Waalidiin iyo marti sharaf kale.
Dadka la xasuusto ee qaraxaasi ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa wasiirkii wasaaradda caafimaadka Drs Qamar Aadan Cali,Wasiirkii waxbarashada Dr Maxamed Cabdullaahi Waayeel,Wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Prof Ibraahim Xasan Cadow,Wasiirkii wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dr Saleebaan Colaad Rooble.
Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday Wariyeyaal ay kamid ahaayeen Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyr Xaaji Xasan oo ahaa Sawir qaade ka tirsanaa Telefishinka Al-Carabiya iyadoo ay jireen Suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.
Dhinaca dhaqaatiirta ayaa waxaa halkaas dhaawac culus uu ka soo gaaray Dr Maxamed Aadan Warsame oo loo yaqaanay Dr Shahiid iyadoo dhaawicii soo gaaray awgeed u geeriyooday.
Jawiga Goobta munaasabadda ka socotay ayaa ahaa ka hor qaraxa mid aad uqurux badnaa oo dadkii goobtaas joogay oo dhan ay ahaayeen kuwo wada faraxsanaa hayeeshee daqiiqad wax ka yar isku bedeshay goob murugo iyo tiiraanyo taala ka dib markii qof ismiidaamiyay uu fuliyay qaraxa iyadoo ay socdeen khudbadaha mas’uuliyiinta markaas masharaxa saarnaa.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa weli waxaa quluubtooda bixin qaraxaasi musiibada ahaa ee ka dhacay gudaha Hotelka Shaamow in kastoo qaraxaas Shaamow ka dhacay ka dib ay dhaceen qaraxyo kale oo dad badan ay ku dhinteen laakiin waa mid wali xuauustiisa taagan tahay.
Qaraxaas Hotel Shaamow ka dhacay ayaa wuxuu ahaa mid noociisa ku cusbaa shacabka Soomaaliyeed abid ay arkaan ama ay maqlaan mas’uuliyiin heer dowladeed oo wasiiro ah ay ku nafwaayaan.
Qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Hotel Shaamow ayaa hadda waxaa ka soo warewgatay 10 Sano iyadoo ilaa hadda hadal hayntiisa wali ay ka taagan tahay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.
Anigoo ah qoraha warbixintan magaceeguna uu yahay Faarax Ibraahim Yacquub ayaa waxaan ka mid ahaa Suxufiyiintii mumaasabadaas lagu casuumay in warar iyo Barnaamijyo ka sameeyaan waxaana xiligaas 2009-kii la shaqaynayay Idaacaddii la oranjiray Xurmo ee arimaha bulshada ka hadli jirtay laakiin waxaa iga codsaday in munaasabadaas uu ka soo waramo Wariye xiligaas aan iskala tirsanayn Idaacadii Xurmo Maxamed Cabdi Xuseen Madaale isagoo ka mid noqday dadkii dhaawaca cuslus ka soo gaaray waxaana muddo 8 bilood ah lagu daweynayay Isbitaal ku yaala dalka Sacudiga magaalada Riyaad iyadoo Alle mahadii uu ka bogsooday dhaawicii soo gaaray.
Qaraxa labaad ee wali shacabka qalbigooda ka go’in ee ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu yahay kii sanadkii 2017-dii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho kaasoo ah kan ugu weyn ee abid ka dhacay Soomaaliya kaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 500 oo ruux halka 1000 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Haddaba galabta ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Jaamacadda Banaadir waxaa lagu qabtay kulan duco ah oo loogu duceynayo dhamaan Madax, siyaasiyiin, dhaqaatiir, arday,waalid iyo martisharaf intii ku geeriyootay qaraxaas Hotel Shaamow ee hadda 10 sano ka soo wareegtay.
Kulankan ka dhacay xarunta Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar badan oo ka mid ahaa dadkii waqtigaas ku sugnaa Hoolka Xaflada ka socotay waxaana ka mid ah Dr Dufle oo xiligii qaraxa uu dhacayay ahaa shaqsigii markaas khudbada jeedinayay.
Sidoo kale waxaa ka qayb galay Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha daladda Sosensa oo ka mid ahaa dadkii xiligaasi ka mid ahaa dadkii safarka hore fadhiyay.