Wararka Soomaalida
Kulan looga hadlay Soomaaliland iyo Dowladda dhexe oo ka dhacay Muqdisho
Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka BFS iyo guddiga dib u wada hadalsiinta dowladda dhexe iyo Soomaaliland ayaa kulan ku yeeshay xaruunta Villa Hargeysa ee Golah ay ku shiraan iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xubnaha ku jira gudigan ayaa waxay ka kooban yihiin Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada woqooyi ee Soomaaliya iyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaana ugu daraja sareeya ama ugu weyn xagga xil haynta Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Gudiga ayaa saacado badan dood ka yeeshay qaabka loo wajihi karo arimaha wada hadalada Soomaaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya iyagoo dhinacyo badan dooda ka keenay waxay isku raaceen in howsha wada hadalada ah laga gaabin oo la dardar geliyo.
Dood iyo falanqayn qaadatay saacado dheer ka dib ayaa gudiga waxay isla go’aamiyeen in markale dib iskuugu soo laabtaan si meesha hadda wax umarayaan ay ugu sii amba qaadaan dooda sida ugu dhaqsiyaha badana usoo afjarayaan dooda ka dibna toos ubilaabi daanaan guda galka wada hadalada Soomaaliland iyo Dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Sidii uu xilka Madaxweynaha ula wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaan wali dhicin wada hadalada dowladda dhax ee Soomaaliya iyo Soomaaliland in kastoo dhowr jeer la,isku dayay in la wada kulansiiyo si loo dhameeyo tabashada ay qabaan reer Soomaaliland laakiin arinkaas uu ku dhamaaday fashil.