Community

Kulanka xiriirka iyo isku xirka bulshadda oo lagu qabtay magaalada Minneapolis

Waxaa maalintii Sabtida, bishuna ahayd February 2, 2019 magaalada Minneapolis lagu qabtay Munaasabadda Xiriirka iyo Isku Xirka Bulshadda. Munaasabaddan oo ah mid ay magaalada Minneapolis qabato sannadkiiba hal mar ayaa ah sanadkii siddeedaad ee la qabto kulankan isku xiraya dhamaan bulshadda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Minneapolis. Haddaba munaasabaddan balaaran oo is qurxoon loo […]

Published

on

Waxaa maalintii Sabtida, bishuna ahayd February 2, 2019 magaalada Minneapolis lagu qabtay Munaasabadda Xiriirka iyo Isku Xirka Bulshadda.

Munaasabaddan oo ah mid ay magaalada Minneapolis qabato sannadkiiba hal mar ayaa ah sanadkii siddeedaad ee la qabto kulankan isku xiraya dhamaan bulshadda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Minneapolis.

Haddaba munaasabaddan balaaran oo is qurxoon loo soo agaasimay looga soo shaqeeyay ayaa ka dhacday Xarunta Shirarka ee Minneapolis. Waxaa sannad walba soo qaban qaabiya munaasabaddan Waaxda Xiriirka Deriska iyo Bulshadda oo ah xafiiska u qaabilsan magaalada Minneapolis adeegyadda isku xirka bulshadda iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Minneapolis iyo xafiisyadda, shaqaalaha, adeegyadda iyo mashruucyadda magaalada Minneapolis.

Hal beegsiga iyo ciwaanka munaasabadda ayaa sannadkan ahaa Wadajir: Abaabulida Minneapolis Wanaagsan (Together: Mobilizing for a Better Minneapolis).

Munaasabaddan ayaa isku keentay boqolaal qof, hay’addo kala duwan oo u adeega dadweynaha ku dhaqan magaalada Minneapolis. Waxaa kale oo goobta ay munaasabaddani ka dhacday lagu qabtay aqoon-isweydaarsiyo iyo doodo ku saabsan mustaqbalka magaalada.

Waxaa kale oo kulankan kamid ahaa seminaaro casri ah oo laga hadlay mowduucyo ay kamid yihiin arrimaha la xiriira sharciga iyo laamaha socdaalka, qoyska iyo guryaha. Waxaa la soo bandhigay oo aadna looga wada hadlay warbixin laga diyaariyay mashruuca iyo isabadalka lagu samaynayo Ururada ka hirgala xaafadaha ee la yiraahdo Xaafadaha 2020 (Neighborhoods 2020). Warbixintan ayaa soo koobtay talooyinkii shaqaaluhu u soo jeediyey iyo dhamaan wixii tallo ah ee ay dadweynuhu la wadaageen.

Sidoo kale xafiisyadda kala duwan ee magaalada Minnepolis ayaa soo bandhigay adeegyadda iyo mashruucyadda ay u qabtaan dadweyanaha deggan magaalada Minneapolis.

Munaasabaddan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa ah bilaash, waxaana loogu talagalay in lagu dhiso ama lagu kobciyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya beelaha, xaafadaha iyo dawladda.

Waxaa kale oo munaasabaddan diiradda lagu saaray hababka ugu wanaagsan ee ay bulshadu iyo dhamaan dadweynuhu uga qayb qaadan karaan horumarka iyo heli-taanka magaalo wanaagsan oo si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version