Wararka Soomaalida

Kulankii Golaha shacabka oo fowdo ku dhamaaday

Kulankii maanta ee Golaha shacabka ee Baarlamanka ayaa fowdo iyo buuq ku soo dhamaaday ka dib markii Wasiiradii iyo Taliyaashii loogu yeeray Kulanka ay tageen xarunta. Arrinta buuqa dhalisay ayaa waxay ahayd ka dib markii Gudoomiyaha Golaha shacabka oo cod geliyey in loo codeeyo in Saxaafadda ay joogaan dooda iyo su,aal weydiinta Wasiirada iyo Taliyaasha […]

Published

on

Kulankii maanta ee Golaha shacabka ee Baarlamanka ayaa fowdo iyo buuq ku soo dhamaaday ka dib markii Wasiiradii iyo Taliyaashii loogu yeeray Kulanka ay tageen xarunta.

Arrinta buuqa dhalisay ayaa waxay ahayd ka dib markii Gudoomiyaha Golaha shacabka oo cod geliyey in loo codeeyo in Saxaafadda ay joogaan dooda iyo su,aal weydiinta Wasiirada iyo Taliyaasha amniga maadaama arrimo sir ah oo amaanka iyo sirta Ciidanka laga hadlayo.

Xubnaha mucaaradsan Xukuumadda ayaa iiday in Saxaafadda banaanka loo saaro waxaana goobtii noqotay meel fowdo ah waxaa markii dambe Kulanka si deg deg ah usoo xiray Gudoonka Golaha shacabka.

Dhinaca kale Wasiirka waxbarashada ahna Xildhibaan Cabdulaahi Goodax barre ayaa sheegay in kuwa fowdada ku sameeyey kulanka ay wakiil ka yihiin Al shabaab.

Xildhibaanka ahna Wasiir Goodax ayaa sheegay in Golaha shacabka ay ku jiraan 21 Xildhibaan oo Al shabaab ay wakiil ugu yihiin Baarlamanka Soomaaliya markastana hor taagan ka shaqaynta iyo ka hadalka arrimaha amaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version