Wararka Soomaalida
Kulankii Golaha shacabka oo maanta markale baaqday
Kulankii Golaha shacabka oo maanta lagu waday inuu qabsoomo ayaa maanta markii labaad u baaqday Koorom la,aan sida gudiga nidaamka Baarlamanka uu shaaciyey. Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa xalay fariin uwada diray Golaha shacabka waxaana lagu wargeliyey in maanta oo isniin ah ay ka doodi doonaan qodobo Baarlamanka hor yaala. Barqadii maanta ayaa […]
Kulankii Golaha shacabka oo maanta lagu waday inuu qabsoomo ayaa maanta markii labaad u baaqday Koorom la,aan sida gudiga nidaamka Baarlamanka uu shaaciyey.
Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa xalay fariin uwada diray Golaha shacabka waxaana lagu wargeliyey in maanta oo isniin ah ay ka doodi doonaan qodobo Baarlamanka hor yaala.
Barqadii maanta ayaa iyadoo hal Xildhibaan soo xaadirin xarunta Golaha shacabka waxaa la shaaciyey in uu baaqaday kulankii Baarlamanka.
Baaqashada kulanka Baarlamanka ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dambeeyaan arrimo Siyaasadeed sida dadka qaar ay qabaan.
Kulankii 5-aad ee Golahan ayaa waxaa dhawaan furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana sabtigii sidaan oo kale u baaqaday kulan lagu waday inay yeeshaan Golaha shacabka.