Wararka Soomaalida

Kulankii ugu horeeyay oo dhax maray Xasan Sheekh iyo RW Khayre

Published

on

Kulankii ugu horeeyay ayaa maanta waxaa yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyagoo kulankoodan uu ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxayna shirkooda kaga hadleen arimaha geedi socodka siyaasadda iyo doorashada Soomaaliya ee lagu wado inay ka qabsoonto sanadka 2021-ka sida qorshuhu uu yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaaraha u sheegay in aan la’siyaasadayn laamaha amniga markii lagaaro xiliga doorashada si doo kale dhankooda ay soo dhaweystaan oo aysan u arag cadow Madasha Xisbiyada Qaran oo ah xisbiyo isku biiray hogaamiyana u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa usheegay Xasan Sheekh Maxamuud in taladiisa ay qaadan doonaan islamarkaana dhankooda iska daayaan dacaayadda iyo hadalada adag ee dowladda ay ku weeraraan waxaa kaloo uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in wax nacayb ah aysan uqabin Madaxdii hore ayna ka go’an tahay lasaaxiib kooda iyo soo dhaweyntooda.

Kulankan maanta dhaxmaray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii shalay kulan qaatay 8 saacadood uu dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo kulankaasi ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad buuxa kuna aadan arimaha doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre kulanka maanta ay yeesheen ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horweyay oo dhaxmara tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii dhacday 2017-dii kana dhacday Muqdisho xilka loogu guulaystay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo kala hogaaminaya Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD ayaa waxay dadaal dheer ugu jiraan sidii markale mid walba dib loogu soo dooran lahaa iyagoo hadda ku midoobay madal labaxday Madasha Xisbiyada Qaran oo ah dhowr xisbi siyaasadeed oo isku biiray balse kala mabda,ah balse isku aragti ka taagan xagga siyaasadda.

Trending

Exit mobile version