Life Style

Laacibkii Qaranka Soomaaliya ee Shaash oo laga sameeyay filim documentary ah

Dalka Garmalka ayaa documentry ka sameyay laacibkii qaranka Somalia ee Axmed Ibraahim (SHAASH). Telefishin caalami ah DW oo laga leeyahay dalka Garmalka ayaa filim documentary ah oo ku saabsan laacibka Ibrahim Shaash , qoyskiisa iyo saamaynta uu dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya uu ku yeeshay nolosha qoyska iyo Shaash soo bandhigay. Ciwaanka documentary-ga laga sameeyay Shaash […]

Published

on

Dalka Garmalka ayaa documentry ka sameyay laacibkii qaranka Somalia ee Axmed Ibraahim (SHAASH). Telefishin caalami ah DW oo laga leeyahay dalka Garmalka ayaa filim documentary ah oo ku saabsan laacibka Ibrahim Shaash , qoyskiisa iyo saamaynta uu dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya uu ku yeeshay nolosha qoyska iyo Shaash soo bandhigay.

Ciwaanka documentary-ga laga sameeyay Shaash ayaa loogu magac daray “The civil war in Somalia – family torn apart”, oo marka Af-Soomaali lagu turjumo noqonaya, “ Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya – qoys la kala gooyay”.

Filimkan documentary-ga ah ayaa ku saabsan qoyska iyo nolosha laacibkii qaranka Soomaaliya ee Shaash, balse qisada iyo sheekada guud ee filimka ayaa ah mid saameyn ku leh qaar iyo qoysas badan oo kamid ah Soomaalida.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa kala jajebiyey qoysas badan. Xubno ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda qoxootiga ku ah oo qaar kood ayna weli qaan-gaarin ayaa lagu kala firdhiyey aduunka oo idil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version