Wararka Soomaalida

Laamaha aminiga oo war ka soo saaray Qaraxii Xamar ka dhacay

Qaraxii barqadii maanta ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ahaa qarax gaari loo adeegsaday iyadoo warar kala duwana ay ka soo baxayaan qaabka loo fuliyay Qaraxaasi. Warka hore ayaa sheegaya in gaari uu waday qof uu ku qaraxay Albaabka hore ee Hoteel Afreec ee ku yaala isgoyska KM4 halka warka xigana uu […]

Published

on

Qaraxii barqadii maanta ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ahaa qarax gaari loo adeegsaday iyadoo warar kala duwana ay ka soo baxayaan qaabka loo fuliyay Qaraxaasi.

Warka hore ayaa sheegaya in gaari uu waday qof uu ku qaraxay Albaabka hore ee Hoteel Afreec ee ku yaala isgoyska KM4 halka warka xigana uu tibaaxayo inuu ahaa gaari shaqsi saarnaa ka dibna uu ka mid noqday gawaarida safka ku jiray xili Ciidamada amniga ay ku jireen hubinta baaritaanka amniga gawaarida ka dib markii uu soo istaagay barta Koontarool ee Ciidamada amaanka ay ka ilaaliyaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho sidaasna uu ku dhacay qaraxaas.

Sikastaba arintu ha,ahaatee qaraxaas ayaa wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan oo dadka rayidka ah iyo Ciidanka amnigaba ka soo gaaray.

Qaraxaan oo ahaa mid aad uxooganaa ayaa burburiyay dhismiyaal Ganacsi oo ku yaala meesha uu ku qaraxay iyadoo hanti kalana ay ku baabaday halkaas ka dib markii qaar ka mid ah xarumaha ganacsi dab Koronto uu ka kacay.

Inta la xaqiijiyay dadka ku dhintay qaraxaasi ayaa waxay gaarayaan 16 qof halka dhaawacana uu ku dhow yahay 25 ruux sida aan ka soo xiganay baraha Caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Haddaba waxaa falkaas qaraxa ah ka hadlay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya waxayna sheegeen in qaraxaasi ay ku dhinteen shacab iyo Ciidan dhaawacana sidoo kale isku jir ay yihiin shacab iyo Ciidan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Qaraxaasi Ciidankii ku sugnaa barta Koontarool ee qaraxa uu ka dhacay qaar ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay nooca gaari ee halkaas ku qarxay waxayna ku tilmaamtay in gaarigaas loo adeegsaday qaraxa uu ahaa gaari noociisa uu yahay TOYOTA NOAh ah.

“Abaarihii 10:40 Subaxnimo ayaa Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noociisa yahay TOYOTA NOAH oo doonayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay gaarigaas Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah iyadoo qaar kalana ay ku dhaawacmeen”ayay tiri Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Bartan Koontarool ee maanta uu ka dhacay qaraxaas ayaa dhowr bil ka hor sidaan oo kale waxaa ka dhacay qarax kan lamid ah inkastoo kaas khasaarihiisa aad ugu yaraa kii maanta.

ilaa hadda majirto Urarar ama cid kale oo sheegatay mas,uuliyada qaraxaasi maanta lagu laayay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version