Wararka Soomaalida
Laamaha amniga Dhuusa Mareeb oo amar soo rogay
Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa laga Mamnuucay hubka sharci darada ah iyo Gaadiidka muraayadaha Madow ama beensalka leh ka dib howlgal caawa ka dhacay Magaaladaasi.
Ciidammada amaanka ayaa magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud Caawa ka bilaabay howlgal lagu xaqiijinayo amniga iyadoo Ciidamada baaritaan ku sameeyay Gaadiidka iyo Dadka saaran iyadoo howlgalkaasi loogu fiiqayay gawaarida leh Bacda Madow ee ku dehaaran Muraayadda.
Taliska Booliiska magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in la sii wadi doono Howlahan lagu sugayo Amaanka magaalada Dhusa-Mareb ayna iska kaa shanayaan dhamaan laamaha u xil saaran Amniga Dhuusa-Mareeb.