Wararka Soomaalida
Laba ka mid ah Musharaxuinta Galmudug oo la kulmay Safiirka Maraykanka
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta xarunta Safaarada Maraykanka ee Muqdisho kula kulmay labo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha maamulka Galmudug utaagan iyadoo kulankaasi looga hadlayay arimaha siyaasadeed ee Galmudug iyo meesha hadda ay wax marayaan.
Musharaxiinta kulanka la qaatay Donald Yamamoto ayaa waxay kala yihiin Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale waxayna Safiirka usharaxeen doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dhuusa-mareeb iyo walaaca ay ka qabaan in qaab aysan jaclaysan wax udhacaan.
Sidoo kale Musharaxiintan ayaa usheegay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku hayso arimaha doorashada Galmudug iyo Ciidamadii Itoobiya ee dhowaan lageeyay degmada Dhuusa-mareeb in cabasho ay ka yihiin sida dowladda ay wax u wado.
Qoraal kooban oo ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay kulanka dhax maray Safiirka iyo labada Musharax iyadoo safaarada sheegaytay in kulankaasi uu ahaa mid diiradda lagu saaray arimaha siyaasadeed ee Galmudug,doorashada lagu wado inay ka dhacdo Dhuusa-mareeb iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.
“Hay’ado dowladeed oo sal adag leh isla markaana adkeysi badan ayaa waxay wax ka bedeli karaan dhibaatooyinka bani’aadanimo ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Galmudug sidoo kale waxay ka adkaan karaan argagaxisada iyadoo abuuri kara nabad,deganaashaha iyo dhalinta barwaaqo ayaa lagu yiri”qoraalka ka soo baxay Safaarada Maraykanka.
Inta aysan dhamaan bishan December ee sanadkan ayaa waxaa lagu wadaa in ugu dambayn la doorto Madaxweynaha maamulka Galmudug iyadoo maantaba la xareeyay Odayaashii dhaqanka ee soo xuli lahaa golaha baarlamanka Galmudug.