Wararka Soomaalida

Labadda Marwo ee Soomaaliya iyo Turkiga oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Published

on

Marwada koowaad ee dalka Soomaaliya Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa maanta kulan la qaadatay Marwada koowaad ee dalka Turkiya Marwo Emina Erdogan waxayna ka wada hadleen labada Marwo ee Soomaaliya iyo Turkiga sidii ay isaga kaashan lahaayeen fulinta barnaamijyo lagu horumarinayo adeegyadda caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Kulanka Marwooyinka ayaa daba socda wada hadalladii ay ku yeesheen magaalada Ankara ee dalka Turkiya dabayaaqadii bishii May ee sanadkan 2019 kaasoo ay isla meel dhigeen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta arrimaha bulshadda gaar ahaana arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Kulankan dhaxmaray labada Marwo ee Soomaaliya iyo Turkiga Marwo Saynab Cabdi Macalin iyo Marwo Emina Erdogan ayaa wuxuu ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka iyadoo marwa walba ay ka midbtahay wafooda ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Recep Tayipp Erdogan ee ka qayb galay shirka loo dhan yahay ee golaha Guud ee QM ee ka socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Trending

Exit mobile version