Local News
Labbo wiil oo dhac hubeysan u geysan jiray darawallada Uber iyo Lyft oo dacwad lagu soo oogay
MINNEAPOLIS – Labbo wiil oo lagu eedaynayo in ay ku lug lahaayeen falal isugu jira dhac iyo dhac hubeysan oo ay la beegsadeen darawallada Uber iyo Lyft ayaa dacwad lagu soo oogay.
Xeer Ilaaliyaha dalka Mareykanka u fadhiya gobolka Minnesota Andrew Luger ayaa soo saaray bayaan maalintii Arbacada isaga oo sheegay in 20 dambi iyo eedo ku soo oogay labbadan nin.
“Bishii hore, aniga oo ay i weheliyaan qaar kamid ah hawlgalayaasha fulinta sharciga federaalka iyo qaar kamid ah laamaha Ilaalinta Ammniga ee ka howl gala gobolka Minnesota, waxaan ku dhawaaqay istaraatiijiyad cusub oo wax looga qabanayo dembiyada iyo rabshadaha sii kordhaya ee saameeyay shicibka ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee gobolka Minnesota. Haddaba Eedda maanta lagu soo oogay labbaddan nin ayaa kamid ah tallaabooyin muhim ah oo la qaaday oo la xiriira istiraatiijiyadda ammniga lagu sugayo,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Luger. “Sida lagu eedeeyay, labbadan eedaysane ayaa iyagu masuul ka ahaa oo hogaaminayey burcad bareer cad u sameeyay dhac joogto ah, rabshado taxane ah iyo falal qorshaysan oo ka dhan ah darawaliinta ku ganacsaddda ama ku shaqaysta Uber iyo Lyft.”
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay intii u dhaxaysay Sebtembar iyo Oktoobar ee sannadkii 2021 in Shevirio Childs-Young oo jira 18-sanno iyo William Saffold oo 20 jir ay dhac qorsheysan u geysteen darawaliin iyagoo iska dhigaya in ay yihiin rakaab raba in la qaadayo ama la dejinayo.
Marka ay dareewaladu yimaadaana, labaddan wiil waa Childs-Young, Saffold, iyo koox kale oo la shaqaysaneysay ayaa qoryo iyo baskoolad ku qabanayey darawaladda, kaddibna waxay darawallada ka dalbanayeen taleefannada gacanta, wixii lacag ah ama hanti ay wataan iyo boorsooyinka jeebka ugu jira. Darawaladda ayee sidoo kale marka ay ku qabtaan qoryaha waxay ku qasbayeen in ay furaan taleefanadooda oo ay bixiyaan furaha ama (password-ka) ay taleefanka ku furtaan.
Marka ay taleefanka iyo furaha (password-ka) lagu furo ay qasab iyo qori caaradiisa uga qaataan darawaladda waxa ay lacag ku xawilanayeen oo ay u dirsanyeen taleefanadooda iyaga oo isticmaalaya CashApp-ka lacagaha la iskugu diro, lacagtaas oo ay kala baxayeen akoonadooda dirawaladda, sidoo kale waxay qaadanayeen oo ay la baxsanayeen baabuurta dirawaladda ay dhaca u geysteen ay ku shaqaysanayeen. Gacan qaad ayeey u geysanayeen dirawaladda iyaga oo bastooladda ku garaacaya , uguna hanjabaya in ay dilayaan dhibanayaasha ay dhaca u geysteen.
Labaddan wiil ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin shirqool, hub si sharci daro ah loo isticmaalay, dambiyo falal argagixiso ah, rabshado qorsheysan iyo faragelin ganacsi iyo tuuganimo. Wiilashan ayaa hadda xabsi lagu hayaa, waana loo diiday in la damiinto, ilaa iyo ay maxkamadooda laga gaarayo waxaa lagu haynayaa maxkamadda.