Wararka Soomaalida
Labo Maxweyne oo caawa casho sharaf loo sameeyay
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid isxog-wareeysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad Golahaha Shacabka Cabdi wali ibraahim Sheekh Muudey ayaa Caawa kulan casho sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare Iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Sidoo kale kulankan casho sharafta ah ayaa waxaa madaxdaas ku weheliyay qaar ka mid ah Goliyaasha Baarlamanada Hirshabelle,Koonfur Gakbeed iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.