Wararka Soomaalida
Labo musharax Galmudug oo shir Deg deg ah yeeshay
Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa galabta waxaa kulan deg de ah iskuugu yimid Jannaraal Cabdiraxmaan Tuur yare Taliyihii hore ee hay’adda NISA oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Cabdi dheere oo asna ku jira Musharaxiinta maamulkaas.
Labadan Musharax ayaa kulankooda ku faaqiday xaalada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Galmudug iyo sida loo wajihi karo xaalada cakiran ee siyaasadeed ee ka taagan Galmudug waxayna isku raaceen in hal aragti oo midaysan ka qaataan xaaladan hadda ka taagan Galmudug haddii ay ka harayaan musharaxnimadooda iyo haddii ay sii ahaanayaan.
Taliyihii hore ee NISA Jannaraal Cabdiraxmaan Tuur yare ayaa sheegay xaalad musharax lagu sii ahaado in hadda ka muuqan Galmudug halka Cabdi dheere uu soo jeediyay inay ukaadiyaan oo mowqif deg deg ah hadda gaarin ilaa dhamaadka bishan sii wadaan ololahooda musharaxnimada Galmudug.
Shirkan deg deg ah ee ay yeesheen musharaxiinta Galmudug ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii xalay Ciidamada Ahlusuna si xoog ah kula wareegeen xarunta degmada Dhuusa-mareeb inkastoo arinkaasi xal laga gaaray.
Ugu dambayn labadan musharax ayaa isku raacay in ilaa dhamaadka bishan October xaalada ay qiimeeyaan ka dibna sida xaalada isku bedesho ay eegaan ka dib ay gaaraan go,aan rasmi ah.