Wararka Soomaalida

Lacag bixinta mushaarka Ciidanka oo bilowday

Published

on

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa maanta bilowday bixinta Mushaaraadka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaana hadda lagu bilaabay Ciidanka Miletariga Xoogga dalka kuwooda ku sugan jiidaha hore ee dagaalka sida aan xogta ku maqalnay.

Ciidamada inta aan darajada lahayn ee dablayda ah ayaa waxaa mushaar ahaan bilwalba uqaataan $100 Boqol doolar halka halka Saraakiisha Ciidamada mushaarkooda uu kala sareeyo ugu badnaan waa $350 seddax boqol oo doolar ugu yaraana waa $250 boqol iyo Konton doolar sarkaal walba.

Qaar ka mid ah Ciidamadii maanta nasiibka u helay mushaarkooda inay qaataan ayaa waxaa gacanta laga saaray iyadoo Shilin Soomaali ah Ciidamada kuwa dablayda ah qaybtooda ka howlgasha Shabeelada Hoose iyo dhexe ee har iyo habeenba hortaagan Al shabaab.

Waxaa intaas udheer Ciidamada inta Xaasliyaash ah ayaa waxaa loo qoondeeyay lacag iidaan ah ama biil bil ah oo gaaraysa $30 dollar kana dheeri ah mushaarka iyo Raashiin reerka ku filan bisha oo dhan iyadoo xusid mudan tahay in lacagta $100 dollar ah hadda bilwalba si joogto ah uhelaan Ciidamada halka markii hore kamaqnan jirtay ugu yaraan seddax ilaa lix bilood markii laga reebo lacagta biilka Xaasliyaash ah iyo Raashiinkooda sida baaritaan uu sameeyay ku ogaaday Wargayska Tusmotimes.

Inkastoo Ciidamada inta ugu badan loo wada sameeyay Acon Number oo bilwalba ugu soo dhacdo mushaarkooda ayaa haddana wali waxaa jira qaar loo samayn balse lagu howlan yahay in loosameeyo

Haddaba waxaa arintan qormo faafaahsan oo ku saabsan madaxda sare ee dalka mid walba inta mushaarkiisa gaarsiisan yahay iyo sida Ciidamada dagaalka kulajira Al shabaab uhooseeyo musjaarkooda Wariye Cabdirashiid Maxamed Abuukar oo loo yaqaano Allifoow yare.

Madaxweynaha qaranka Bishii waxa uu mushaar ahaan u qaataa $120,000 (Boqol iyo labaatan kun oo Dollar) wasiirada waxa ay mushaar ahaan u qaataan $5,000 (Shan kun dollar) Xildhibaanada waxa ay mushaar ahaan uqaataan $3,000 (saddex kun oo dollar)

Shaqaalaha rayidka Grade A (kuwa shahaadada Jaamacadaha wata) waxa ay mushaar ahaan uqaataan $700 (todobo boqol oo dollar) Shaqaalaha rayidka Grade B (kuwa shahaaada Secondryga wata) waxa ay mushaar ahaan uqaataan $400 (Afar boqol oo dollar) Askariga xidiglaha ah waxa uu mushaar ahaan u qaataa $250 (laba boqol iyo konton dollar)Askariga dablaha ah waxa uu mushaar ahaan u qaataa $100 (Boqol dollar).

Muqdisho halki qol waxa la kireeyaa, $100 ilaa $50 meelaha ugu hooseysa $40 Korontada iyo biyaha waxa kubaxda meelaha ugu yar $100 ilaa $50 dollar Gaari raaca bishii $30 ilaa $80 meelaha ugu hooseysa Biilka nin iyo xaaskiisa meelaha ugu yar $250 ilaa $180 ma isweydiiseen Askari qaadanaaya $100, leh qoys ama keligiis nool ubaahan adeegyada dhan aan soo sheegnay, sida ay udeeqi karto $100,ma qorigiisa ayuu wax kudhacaa, ma dadka ayuu tuugsadaa, mase laaluush ayuu qaataa.

Xildhibaanada DFS, waxa aan kacodsanaayaa in Miisaaniyadda soo socota ay ishortaagaan oo aynaan ansixinin hadii ay damqasho kujirto ilaa misaaniyadda ciidanka 3 jibaar lakordhiyaa fadlan xildhibaan ha ansixinin askari $100 qaata amnigeena masugi karo ee waa in aan ubareenaa dhibaato walba dulqaadkeeda, ama aan u istaagnaa in miisaaniyadda ciidanka kor loo qaado.

Qore:Cabdirashid Maxamed Abuukar Alifoow yare

Trending

Exit mobile version