Wararka Soomaalida

Lafta Gareen iyo Aroud Laloum oo kulan ku wada yeeshay Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta markii uga horaysay tan iyo markii xilkan loo doortay Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday QM oo Baydhabo dhowaan gaaray. Wafdiga QM ee dhowaan gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hor boodayey Madaxa cusub ee Xafiiska UNSOM ee Magaalada Baydhabo Aroud Laloum ka dib markii dhowaan […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta markii uga horaysay tan iyo markii xilkan loo doortay Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday QM oo Baydhabo dhowaan gaaray.

Wafdiga QM ee dhowaan gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hor boodayey Madaxa cusub ee Xafiiska UNSOM ee Magaalada Baydhabo Aroud Laloum ka dib markii dhowaan la bedelay Madaxii hore ee Xafiiska UNSOM ee Magaalada Baydhabo.

Lafta Gareen iyo Aroud Laloum ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dar-dar-gelinta Xafiisyada UNSOM iyo kan Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed maadaama Aroud Laloum uu ku cusub yahay shaqadan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed mar uu ka hadlayey kulankan asaga iyo Aroud Laloum dhexmaray ayaa waxaa uu yiri”waxaan maanta Xafiiskayga ku soo dhaweeyey Madaxa Cusub Xafiiska QM qaybtiisa Baydhabo ee UNSOM  Mr Aroud Laloum waxaana isla qaadaa dhigaynay arimaha wada shaqeyneed ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo UNSOM dhamaan arimihii aan isku soo qaadnay waa isku waafaqnay”ayuu Ku soo xiray hadalkiisa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Kulankan maanta ku dhexmaray Magaalada Baydhabo mas,uulkan ka socday QM ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Xafladii Caleema-Saarka Madaxweyne Lafta Gareen aaney ka qayb galin shaqsi QM ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version