Wararka Soomaalida

Lafta Gareen oo gaaray Sanad mudadii xilka loo doortay

Published

on

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ubuuxsantay muddo sanad ah xiligii loo doortay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed bishii December 19-keedii sanadkii 2018-kii ka dib doorasho ku shubasho ahayd oo ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa mudadaas halka sano ah ee uu hayay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed wuxuu qabtay arimo ay ka mid yihiin tababarada Ciidamada noocyadooda kala duwan iyo hagida guud ee habmaamulka Koonfur Galbeed sida ay sheegeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta la dhacsan habka hogaamineed ee Madaxweyne Lafta Gareen.

Sanad guuradiisii kowaad ee muddo xil hayntiisa ayaa waxaa uga harsan 2 maalin oo qura waxaana suuragal ah in magaalada Baydhabo loogu sameeyo Munaasabad ku saabsan mudadii halka sano ahayd ee uu shaqada hayay wixii bulshada maamulka uu Madaxweynaha ka yahay u qabtay ee uu ku amaanan yahay.

Baraha bulshada ayaa si xowli ah hambalyo loogu diray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo howlihii shaqo ee uu qabtay mudadaasi halka sano ah.

Waxyaabaha aadka loogu ammaanay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah in Maamulkiisa uu ku guulaystay xakamaynta bulshadii aadka uga carootay xaragii Mukhtaar Roobow oo Dowladda federaalka Soomaaliya ilaa hadda uxiran iyo adkaynta amniga magaalada Baydhabo oo Maamulka hadda uu ku howlgalo.

Waxyaabaha uu ka gaabiyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo bulshadana ay tabayeen inuu qaban doono ayaa waxaa ka mid ah furitaanka wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo ilaa hadda xiran arimo amni xumo awgeed iyo sidoo kale wuxuu ka gaabiyay in kooxda Al shabaab uu ka saaro deegaano badan oo ay ka maamulaan Baay iyo Bakool sida ay qabaan bulshada qeebahooda kala duwan ee ku nool goboladaas.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen waxyaabaha dhaliisha loogu soo jeediyay ee uu leeyahay Madaxweynuhu ayaa waxaa ka mid ah in ilaa hadda uusan lahayn maamulkiisa Madaxweyne ku xigeen.

Trending

Exit mobile version