Wararka Soomaalida
Liiska Shirkadaha ku guulaystay tartanka Xujayda oo lagu dhawaaqay iyo qiimaha lagu raacayo(Akhriso)
Ka dib markii dhowaan ku dhawaaqday Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinte ee Xukuumadda Soomaaliya in tartan loo gelayo daabulidda Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan arimaha Xajka shirkadaha doonaya inay qaadaan ayaa waxaa tartan ugalay 84 Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya islamarkaana xafiisyada ku leh Magaalada Muqdisho. Wasiirka Awqaafta iyo arimaha […]
Ka dib markii dhowaan ku dhawaaqday Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinte ee Xukuumadda Soomaaliya in tartan loo gelayo daabulidda Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan arimaha Xajka shirkadaha doonaya inay qaadaan ayaa waxaa tartan ugalay 84 Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya islamarkaana xafiisyada ku leh Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan ayaa gudi usaaray arimaha tartanka shirkadaha utartamaya inay qaadaan Xujayda Soomaaliyeed iyadoo gudigaas ay ka koobnaayeen Culimaa,udiinka Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada rayidka.
Haddaba gudiga ayaa diiwaangeliyey 84 shirkadood qiimayn iyo tartansiin shirkadahaas ka dib ayaa caawa gudiga waxay soo saareen Liiska shirkadaha Sanadkan ku guulaystay inay qaadaan Xujayda Soomaaliyeed kuwaasoo gaaraya 58 Shirkadood iyagoo sheegay Gudiga in qiimayn lagu sameeyey shirkadahan ay ku guulaysteen in tartanka ku soo baxaan.
Dhinaca kale isla gudiga ayaa shaaciyey qiimaha lagu raacayo diyaaradaha ee qaadaya Xujayda waxaana gudigan ay soo saareen qiimaha lacageed iyo inta cadadkooda inta uu dhanyahay.
Gudiga waxay ukala saareen qiimaha lacagta lagu raacayo diyaaradaha labo qaybood qaybta hore ayaa waxay gaaraysaa 3600 oo Dollar,halka qayta labaad oo ah VIP ay tahay qiimo dhan 5000 oo Dollar.
Gudigan loo xilsaaray arimaha Xujayda iyo shirkadaha daabulaya Xujayda tartansiin tooda ayaa shirkadaha ugu digay in wax ka badan lacagta Gudiga uu soo saaray ay ka qaadaan Xujayda Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa sanadkan waxaa loo ogolaaday inay uxajiyaan baydka Alle 11500 oo Xujay sida ay soo saareen Gudiga arimaha Xajka ee Soomaaliya.
Gudiga ayaa ugu mahadceliyey shirkadaha utartamay qaadista Xujayda sidii sharafta badneed ee ay ugaleen tartanka iyo uhogaansanka awaamiirta Gudiga iyagoo gudiga intaas ku daray in wax dhibaato ah kala kulmin kala saarida shirkadaha ee tartanka loo qabtay.
Shirkadaha ku guulaystay tartanka qaadista Xujayda Soomaaliyeed ayaa magacyadooda waxay kala yihiin.
Qaybta Koobaad “B”
1-Daalo Airlines
2-Jubbala Airilines
3-Freedom
4-Carafaat
5-Jowhar
6-Rixla Mubaaraka
7-Ocean
8-Africa Express
9-Air Jubati
10-Darmar travel
11-Hogal traver
12-Rudwaan
13-Daruuro
14-Saaj Travel
15-Makka Travel
16-New Star
17-Answer travel
18-SPD
19-Safarri Trave;l
Qaybta labaad “T”
- Makka Al-Mukaram
- Karaama
- Kalkar
- Manaasik Travel
- Royal Som
- Barayt
- Al-Huda Travel Hajj and UImra
- Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra
- Falalcadde
Qaybta seddaxaad “J”
- Dahala Airlines
- Al- Rayan
- Federal
- Eurie Africa
- Somali travel
- Teyseer
- Labeyk
- Qudus
- University
- Salam Haj and Umra
- Universal
- Al-Saqar
- Al-ixsaan
- Al- Hijra Travel
- Cibaar Travel
- AL-Hijra Airlines
- Ritaaj
- Hiiliye
- Isfalaash
- Salam Travel
- Mustaqbal
- Anfaal
- National Airways
- Abmooja Travel
- Save Way
- Travel Express
- Key way
- Ruksan
- Hubaal
- Daymond