Wararka Soomaalida

Lix mas,uul oo ku geeriyootay Qaraxii Xafiiska Gobolka Banaadir

Qaraxii galabta ka dhacay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa waxaa ku geeriyootay Lix mas,uul halka Lix kalana ay ku dhaawacmeen. Mas,uuliyiinta la xaqiijiyay inay dhinteen ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Degmada Waaberi Mahad Cilmi,Sahro Markeysi Gudoomiyihii degmada Shangaani,Sabaax Cabdulaahi Asad Gudoomiyihii Degmada Cabdulcasiis,Agaasimihii waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar […]

Published

on

Qaraxii galabta ka dhacay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa waxaa ku geeriyootay Lix mas,uul halka Lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Mas,uuliyiinta la xaqiijiyay inay dhinteen ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Degmada Waaberi Mahad Cilmi,Sahro Markeysi Gudoomiyihii degmada Shangaani,Sabaax Cabdulaahi Asad Gudoomiyihii Degmada Cabdulcasiis,Agaasimihii waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane iyo Cabdulaahi Gacma dheere Agaasimihii Shaqada iyo shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo aad uxooganaa ayaa waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow,Saynab Xaabsey Gudoomiyaha Degmada Wardhiigleey,Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.

Sawiradaan idiin muuqa waa mas,uuliyiintii ku dhintay Qaraxii galabta

.

Dhinaca kale qaraxan ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay shaqaale iyo agaasimiyaal weli aan magacyadooda saxaafadda helin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version