Wararka Soomaalida

Maalinta beri ah oo Muqdisho ka furmaya shirweyne Qaran

Maalinta beri ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya shirweynaha Qaran ee Ururka haweeynka Qaranka Soomaaliya  sida uu sheegay Gudoomiyaasha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ENG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan. Shirweynaha Qaran ee Ururka Haweenka Qaranka ee beri lafilayo in uu ka qabsoomo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan doorka nabada ee […]

Published

on

Maalinta beri ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya shirweynaha Qaran ee Ururka haweeynka Qaranka Soomaaliya  sida uu sheegay Gudoomiyaasha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ENG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Shirweynaha Qaran ee Ururka Haweenka Qaranka ee beri lafilayo in uu ka qabsoomo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan doorka nabada ee Haweenka Soomaaliyeed iyo sidii kaalin firfircoon ugu qaadan lahaayeen nabada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa qaban qaabadiisa iska leh dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo Madax ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya beri shirka ay ka qayb geli doonaan sida qorshuhu uu yahay.

“Haweenka Soomaaliyeed waa lafdhabarka Bulshada,waxaana soo dhoweyneynaa Shirweynaha Qaran ee Haweenka berri ugu furmaya Muqdisho iyadoo Shirkan ay soo qaban qaabisay Dowlada Federaalka Soomaaliya”ayuu ku soo xiray hadalkiisa ENG Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version