Local News

Maalinta Qaxootiga Aduunka oo Minneapolis laga Xusay

Xuska maalinta qaxootiga aduunka oo sannadkiiba mar la qabto ayaa maanta laga xusay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Hay’adda CAPI ayaa soo agaasimay xafadan lagu xusayo maalinta qaxootiga aduunka. Xafladan lagu xusay maalinta qaxootiga aduunka ee labadda magaalo ee mataanaha ah Minneapoils iyo St. Paul ayaa waxaa lagu soo bandhigay farshaxan iyo ciyaaro dhaqameed dhaqameed […]

Published

on

Xuska maalinta qaxootiga aduunka oo sannadkiiba mar la qabto ayaa maanta laga xusay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Hay’adda CAPI ayaa soo agaasimay xafadan lagu xusayo maalinta qaxootiga aduunka.

Xafladan lagu xusay maalinta qaxootiga aduunka ee labadda magaalo ee mataanaha ah Minneapoils iyo St. Paul ayaa waxaa lagu soo bandhigay farshaxan iyo ciyaaro dhaqameed dhaqameed matalaya ugu yaraan 8 qowmiyadood oo ay ka mid yihiin qoob-ka-ciyaarka, muusik, gabayo iyo bandhigyo kale oo ay goobta ku soo bandhigeen dad ka socda qoomiyadaha Hmong, Karen, Lao, Cambodian, Vietnamese, Soomaali, Oromo, Congolese, Suudaan, Ruush, Latinx, iwm).

Maainta qaxootiga aduunka ayaa waxaa la xusaa bisha June 20-keeda sanad walba. Balse sannadkan xaflada lagu xusayo maalinta qaxootiga aduunka ee ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa la qabtay maanta oo ah  July 14, 2019.

Goobta lagu qabtay xaflada xuska maalinta qaxootiga aduunka ee Loring Park ayaa waxaa sidoo kale joogay Hay’ado soo bandhigay adeegyadda ay qabtaan, qaar kamid ah xafiisyadda dowladda, ganacsato yar-yar oo iyagu alaab iyo agab gadayey.

Haddaba xafladan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayeey bogaadiyeen dhamaan dadkii ka soo qayb galay. Waxaana carruurtii, waalidkii iyo dadweynihii goobta joogay ka muuqday farxad iyo reen reen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version