Wararka Soomaalida
Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo War soo saaray(Akhriso)
Ka dib markii dhawaan wasaaradda arimaha gudaha federaalka Soomaaliya ay soo saartay habraaca doorashada Maamulka Jubbaland oo ahaa in Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uhogaansamo doorashada kuna saleeyo habraaca ee horay usoo baxay ee sumadeedsana ahayd 25-kii bishii May ayaa waxaa war Saxaafadeed ka hor imaanaya soo saartay wasaaradda arimaha gudaha ee Maamulka Jubbaland iyadoo […]
Ka dib markii dhawaan wasaaradda arimaha gudaha federaalka Soomaaliya ay soo saartay habraaca doorashada Maamulka Jubbaland oo ahaa in Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uhogaansamo doorashada kuna saleeyo habraaca ee horay usoo baxay ee sumadeedsana ahayd 25-kii bishii May ayaa waxaa war Saxaafadeed ka hor imaanaya soo saartay wasaaradda arimaha gudaha ee Maamulka Jubbaland iyadoo warkaas lagu sheegay in arimaha doorashada Jubbaland Maamulka u madaxbanaan yahay dowladdana dhowrto qodobada ku dhigan Dastuurka Soomaaliya.
Waxaa kaloo lagu xusay War saxaafadeedkaas in dowladda Soomaliya ka dayso faragelinta ay ku hayso howlaha doorasho ee Maamulka Jubbaland wax allaale wixii habraac dooasho ah loo daayo Gudiga doorashada Jubbaland dowladda federaalka Soomaaliya ka ahaato dhaxdhaxaad iyo kormeerid oo kaliya.
Dhinaca kale maanta Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kulan deg deg ah ku yeeshay laamaha amniga Jubbaland iyadoo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) uu shir gudoomiye ka ahaa kulankaas.
Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray sugida amniga Magaalada Kismaayo ka hor waqtiga doorashada iyo xiliga doorashada ay ka dhacayso Kismaayo.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa ku amray laamaha amniga Maamulka Jubbaland inay laba jibaaraan dadaalkooda ku saabsan sugida amniga guud ahaan deegaanada Maamulkaas gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo lagu wado in ugu dambayn doorashada Madaxweynaha ay ka dhacdo Magaaladaas 30 bisha August.
Geesta kale arimaha ismarin waaga ah ee udhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee ku saabsan arimaha doorashada ayaa waxaa ka hadlay islamarkaana war saxaafadeed ka soo saaray Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni oo xafiiskiisa laga soo saaray warkan ayaa fariin udiray dowladda federaalka Soomaaliya wuxuuna usheegay in dowladda Soomaaliya faragelinta ka dayso doorashada Maamulka Jubbaland.
Waxaa kaloo lagu sheegay warka Maamulka Puntland in dowladda ay ilaaliso oo ay ku dhaqanto Dastuurka Soomaaliya.