Wararka Soomaalida
Maamulka Boosaaso oo ka hadlay xariga gudiga Boosaaso
Iyadoo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Afar cisho xabsi ay ku jiraan gudiga dib udhiska waddada Boosaaso ka dib amar ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni lagu soo xiray ayaa waxaa galabta shirjaraa,id ku qabtay Magaalada Boosaaso duqa Degmada Boosaaso Cabdislaan Bashiir wuxuuna sharaxay gudigan uxiran Madaxweynaha Puntland […]
Iyadoo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Afar cisho xabsi ay ku jiraan gudiga dib udhiska waddada Boosaaso ka dib amar ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni lagu soo xiray ayaa waxaa galabta shirjaraa,id ku qabtay Magaalada Boosaaso duqa Degmada Boosaaso Cabdislaan Bashiir wuxuuna sharaxay gudigan uxiran Madaxweynaha Puntland iyo sababta keentay in dowladda dhexe lacag ku wareejiso.
Cabdisalaan Bashiir ayaa sheegay in Gudigan la dhisay xiligii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu Madaxweynaha Puntland uu ahaa ka dibna codsi udiray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyagoo ka codsaday in Xukuumadda Soomaaliya garab ku siiso dib udhiska waddada Boosaaso iyadoo arinkaas uu ka aqbalay Ra’iisul wasaaraha.
Balse duqa Boosaaso ayaa wuxuu xusay inay soo daahday lacagtaas ayna ku soo beegantay xili uu taagan yahay amar ka soo baxay madaxda Puntland oo sheegaya inaysan jirin cid qaban karta lacag ka timid dowlada federaalka oo aan la soo marsiinin nidaamka Maaliyada ee maamulka Puntland ka dib markli sida uu sheegay lacago ay soo dirtay dowladda loo gacan geliyey shacab ku sugan Gaalkacyo.”
Guddigan jidka Boosaaso markii ay soo gaartay lacagta waanu u tagnay waxaanu u sheegnay inuu jiro amar ka soo baxay madaxda sare ee Maamulka kaasoo sheegaya inaysan jirin cid qaban karta lacag aan soo marin hay,adaha Maaliyada Maamulka sidaas awgeedna ay dib u celiyaan lacagta si waddo sharci ah loo soo marsiiyo balse waxay inoo sheegeen gudiga in qaar ka mid ah lacagtaas la isticmaalay oo shaqada guddiga ay ku baxday taasina waxay keentay in la xirxiro dhamaan gudigii” ayuu yiri duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir.
Cabdisalaan Bashiir ayaa ugu dambayntii sheegay inay socdaan dadaalo lagu siidaynayo gudiga xiran wuxuuna dhinaca kale baaq udiray shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso inay ilaaliyaan deganaashaha Boosaaso islamarkaana ay ka fogaadaan tallaabooyin keeni kara burburka maamulka Puntland iyadoo si aad ah looga baqdin qabo in shacabka Boosaaso ay sameeyaan dibadbaxo ka dhan ah madaxda Puntland.