Wararka Soomaalida

Maamulka Gobolka Banaadir oo heegan geliyay Gawaarida gurmadka

Published

on

Ka dib markii maanta Taliska Booliska Soomaaliya ay shaaciyeen in gobolka Banaadir ay ku soo wajahan yihiin Roobab mahiigaan ah oo laga yaabo inay khasaaro gaystaan ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxay heegan geliyeen gawaarida gurmadka deg deg ah iyo kuwa dab demiska si wax looga qabto haddii Roobabka ay gaystaan khasaaro.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa sheegay in dhankooda udiyaar garoobeen Roobabka soo socda haddii khasaaro yimaadana ay udiyaariyeen gawaarida gurmadka deg deg ah iyo kuwa dab demiska.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in sidoo kale ay diyaariyeen shaqaalaha gurmadka deg deg ah kuwaasoo utababaran arimaha musiibooyinka sida dab meel ka kacay iyo fatahaadda ama daadadka iyo wixii la mid ah.

“Maadaama la filanayo roobab xoog leh oo ku soo wajahan Caasimadda, waxaan heegan galinay dhammaan laamaha gurmadka Gobolka Banaadir” ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish oo warkan soo dhigay bartiisa Twitter uu ku leeyahay.

Roobabka mahiigaanka ah ee lafilayo inay ka da’aan Muqdisho digniintana laga bixiyay ayaa waxaa laga helay waaxda saadaasha Cimilada Soomaaliya oo dhowaan dib loo howlgaliyay iyagoo kaashanaya waaxda saadaasha hawada ee QM ka dibna lagu wargeliyay Booliska Soomaaliya inay bulshada gaarsiiyaan.

Digniintan iyo udiyaar garowga Roobabka ayaa imaanaya ka dib markii todobaadkii hore magaalada Muqdisho uu ka da’ay Roob socday 28 saacadood oo xiriir ahaa kaasoo khasaaro naf iyo maalba leh.

Trending

Exit mobile version