Wararka Soomaalida

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dib udhaca ku yimid ciyaartii FINAL-ka ahayd

Published

on

Ka dib markii caawa ay baaqatay ciyaartii kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayna dhaxmari lahayd kooxaha degmooyinka Dharkenley iyo Waabari ayaa waxaa war yar oo kooban ka soo saaray arinkaas dib udhaca ah ee ciyaartaasi ku timid mid ka mid ah xafiisyada maamulka gobolka Banaadir.

“Waxay ahayd in caawa ay dhacdo ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir sidaas darteed annagoo aad uga xun dib u dhaca ku yimid ciyaartaasi cilad farsamo oo dhacday awgeed waxan la wadaageynaa bulshada Soomaaliyeed in waqti dhaw la qaban doono tartankaasi ee caawa sida lamafilaank ah nooga baaqaday waxaase indiin sheegaynaa in waqtiga laqabanayo ciyaarta dib ka soo sheegi doono insha’allah”ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay mid ka mid ah xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Garoonka ENG Yariisow Stadium ee degmada Cabdicasiis oo ciyaartan lagu qaban rabay ayaa waxaa xili hore oo galabta ah sii buux dhaafiyay bulshada ku nool xaafadaha degmooyinka Muqdisho iyagoo aad udanaynayay ciyaarta FINAL-ka ahayd ee dhaxmari lahayd Dharkenley iyo Waabari kooxha udheela ka dib markii ay ka soo wada badiyeen 15 degmo ee Gobolka Banaadir ciyaartoyda udheesha.

Bulshadii isku soo diyaarisay daawashada ciyaarta ayaa markii lagu war geliyay in ciyaartii baaqatay layaab ka muujiyay cilada qabsatay ee baajin karta ciyaartii muhiimka ahyd ee ay wada sugayeen.

ilaa hadda war sugan oo rasmi ah lagama hayo cilada baajisay ciyaartaasi ee Dharkenley iyo Waabari udhaxaysay iyadoo garoonka bulshada ka sokow ay ku sugnaayeen labada Gudoomiye degmo ee ciyaartan udhaxaysay iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kooxaha caawa ka baaqatay ciyaartaasi ee Waabari iyo Dharkenley ayaa waxay ahayd ciyaar aad u,adag oo bulshadana aad u sugayeen natiijada ay ku dhamaan karto ciyaarta balse baaqatay.

Trending

Exit mobile version