Wararka Soomaalida
Maamulka Gobolka Banaadir oo khamiista dibad bax ku dhawaaqay
Madaxda maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalinta Khamiista ee ku beegan 2 bisha January ee sanadka cusub 2020-ka ku dhawaaqay in dibad-bax balaaran uu ka dhici doono magaalada Muqdisho kaas oo looga soo hor jeedo kooxda Al shabaab iyo ficiladooda guracan sida ay ugu baaqeen bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho Madaxda Gobolka Banaadir.
Ujeedada rasmig ah ee dibad baxaasi la iclaamiyay inuu ka dhici doono magaalada Muqdisho maalinta Khamiista ah uu xambaarsan yahay ayaa waxaa lagu sheegay in looga soo hor jeedo qaraxii kooxda Al shabaab ay ku xasuuqeen shacabka maatada ah ee Sabtadii kooxda ay ka fulisay Excontrol Afgooye ee Muqdisho.
Dibad-baxaasi balaaran ee looga soo hore jeedo Kooxda Al shabaab ayaa wuxuu ka dhici doonaa daljirka dahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxaana lagu wadaa inay ka qeeb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya sida qorshuhu uu yahay.
“Dibadbaxa weyn oo reer Muqdisho ay ku muujinaayan midnimadooda iyo in meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Al-Shabaab iyo ka hortaga falalka guracan oo ay Argagixisadu ku xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maalinta Khamiista ah wuxuu ka dhacayaa Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.
Qaraxii Sabtadii ka dhacay Excontrol Afgooye ee Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah mas’uuliyadda qaraxaasi dhabarka ugu ritay kooxda Al shabaab iyagoo waliba ku faanay in qaraxaasi ay ku laayeen gaalo iyo saaxiibadooda sida uu sheegay Afhayeenka Kooxdaas Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo lahadlay Idaacadda Al-andulas oo ah warbaahin kooxda Al shabaab uqaabilsan faafinta wararka Kooxda.
Qaraxa sheegashadiisa kooxda Al shabaab ay ku faaneen ayaa waxaa ku nafwaayay in kabadan 100 ruux oo rayid ah halka ku dhawaad 200 oo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.