Wararka Soomaalida
Maamulka Gobolka Banaadir oo shaqadii ka eryay in ka badan 250 shaqaale
Warar aan ka helnay xarunta dowladda hoose ee muqdisho ayaa sheegaya in maamulka gobolka Banaadir shaqadii ay ka eryeen 300 oo shaqaale u ahaa maamulka una qaabilsanaa xafiisyada kala duwan ee maamulka ka dib isla xisaabtan adag oo uu soo kordhiyay Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish.
Shaqaalaha shaqada laga joojiyay ayaa waxaa la sheegayaa in qaardkood dalkaba ay ka maqan yihiin oo intabadanba ay tahriibeen halka kuwo kalana fasax ku maqan yihiin balse shaqo ka joojin lagu sameeyay war kale wuxuu sheegayaa in qaarkood loo diray damiin cida ka noqon lahayd siiba inay la yimaadaan Xildhibaan halka markii hore ay ku joogeen damiin Oday dhaqameed iyo siyaasiyiin xilal hore soo qabtay balse hadda howshaas la badalay.
Warka kale oo uu helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in 100 kale oo ka mid ah shaqaalaha xafiiyada maamulka Gobolka Banaadir lagayaabo in arinta ay saamayn ku yeelato maadaama sharcigii hore ee shaqaalaha waxbadan laga badalay aadna loo adkeeyay.
Walaac aad uxoogan ayaa wuxuu soo foodsaaray shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ka dib markii shaqaale kasta shuruud looga dhigay inuu damiin ukeensado Xildhibaankiisa haddii kale shaqadii uu ka hayay maamulka Gobolka Banaadir ugu dhamaatay.