Wararka Soomaalida
Maamulka Gobolka Banaadir oo si kulul uga hadlay dhacdadii Wardi
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee maanta ka dhacday xarunta Isbitaalka Wardi ee ku yaala Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho. Dhacdadaas ayaa waxay ahayd ka dib markii Hooyo muwaadin Soomaaliyeed ah ay fool usoo aaday Isbitaalka Wardi ee ku […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee maanta ka dhacday xarunta Isbitaalka Wardi ee ku yaala Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.
Dhacdadaas ayaa waxay ahayd ka dib markii Hooyo muwaadin Soomaaliyeed ah ay fool usoo aaday Isbitaalka Wardi ee ku yaala Degmada Xamar Jajab ka dibna howlwadeenadii Caafimaad ee xiligaas joogay Isbitaalka ay ku xireen shuruud ah in ay bixiso lacag gaaraysa $20 dollar.
Haweenaydaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Khdro markii lagu war geliyey in ay bixiso lacagtaas ayaa Maamulka waxay sheegtay inaysan awoodin ka dibna waxaa lagu wargeliyey in wax adeeg Caafimaad ah loo sameyneynin ilaa lacagta ay ka bixiso.
Khdro oo xanuunka foosha haysay ay aad u kululeed ayaa waxay ka soo baxday gudaha xarunta Isbitaalka markii ay maraysay irida Isbitaalka ayey waxay ku dhacday Albaabka Isbitaalka hortiisa ah ka dibna waxaa Kafka soo galay Madaxdana soo dhiibtay ilmihii ay la foolaneysay waxaa markiiba arkay oo caawiyey kana Umuliyey nin wadada marayey.
Khdro oo si nabad ah ku Umushay ayaa waxaa markii dambe arintaas foosha xun ka war helay Maamulka Isbitaalka Wardi waxaana loo qaaday xarun Caafimaad oo kale iyadoo hadda halkaas ay ku jiraan iyada iyo canugeeda yar.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa sheegay in dhacdadan markii ay soo gaartay ay ku booqdeen xarunta Caafimaad ee Hooyo Khdro iyo canugeeda ay ku jiraan ayna wanaagsan yihiin Caafimaadkooda.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in xarunta Wardi talaabo deg deg ah ay ka qaadayaan maadaama ay sameeyeen xaalad aad looga xumaaday.
Abid waa dhacdadii ugu horeysay oo noocaas ah oo ka dhacday Magaalada Muqdisho iyadoo hadda Maamulka Isbitaalka Wardi ay shaqadii ka eriyeen Haweeney xiligii falkan uu dhacayey wax ka ogeed Madaxna ka ahayd qaybta xaalada deg dega ah ee Isbitaalka Wardi.