Wararka Soomaalida

Maamulka Gobolka Banaadir oo War ka soo saaray dilal saacadihii la soo dhaafay kadhacay Muqdisho

Maanta ayaa dilal siyaabo kala Giddisan waxay ugu dhaceen Degmooyinka Yaaqshid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir. Dilalkaas ayaa waxaa loo kala gaystay Askari ka tirsanaa Ciidanka amaanka ee Magaalada Muqdisho iyo nin ku hubaysnaa Bastoolad wuxuuna dilka askariga uu ka dhacay Degmada Yaaqshid. Dilka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay Daljirka Dahoon ee Degmada Boondheere […]

Published

on

Maanta ayaa dilal siyaabo kala Giddisan waxay ugu dhaceen Degmooyinka Yaaqshid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Dilalkaas ayaa waxaa loo kala gaystay Askari ka tirsanaa Ciidanka amaanka ee Magaalada Muqdisho iyo nin ku hubaysnaa Bastoolad wuxuuna dilka askariga uu ka dhacay Degmada Yaaqshid.

Dilka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay Daljirka Dahoon ee Degmada Boondheere waxaana dilkaas uu ahaa shaqsigii Bastoolada ku hubaysnaa oo Ciidanka amaanka ee Muqdisho ay toogasho Ku dileen.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo warbaahinta kula hadlay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amaanka shaqsiga ay dileen uu ahaa shaqsi doonayey in dhibaato ka gaysto meesha lagu dilay kaasoo ah ruuxii bistoolad ku hubeysnaa oo sida la sheegay damacsanaa inuu dilo askari aagaas ku sugnaa balse isagii la dilay.

Qofka kale ayuu sheegay Tuulax in Degmada Yaaqshiid uu ku dilay askari hase ahaatee ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen,waxaana uu bogaadiyay talaabada ciidamada oo uu sheegay in dedaal dheeraad ah ay muujiyeen wixii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu yiri”Waxaan ku amaanaya Ciidamada Amniga sida ay uga hortageen dhagarta ay damacsanaayeen kooxaha nabad-diidka kuwaasoo qaarkood maanta toogasho lagu dilay kadib markii ay isku dayeen in ay dil geystaan halka mid kale oo dhagar qabe,ahna gacanta lagu dhigay” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Tuulax.

Gudoomiye Tuuulax ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka xaalada Amaan ee Muqdisho waxaa uu tilmaamay wada shaqeynta wanaagsan ee shacabka iyo ciidamada ammaanka dhexmarta in ay udub dhexaad u tahay sugida amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdjsho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version