Wararka Soomaalida
Maamulka Isbitaalka Wardi oo Talaabo Deg Deg ah ka qaaday falkii Isbitaalka
Shir ay isugu yimaadeen Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka xamarjajab ku yaala ee Wardi ayaa ku go’aamiyey in ay shaqada ay ka eryaan Shukri Maxamed Cabdi oo ahayd howlwadeenkii Caafimaad ee sida xun ula dhaqantay Hooyo Khdara xili ay foosha u tagtay xaruntooda Caafimaad ee Xamarjajab ka dibna shuruud ugu dhigtay in ay bixiso lacag dhan […]
Shir ay isugu yimaadeen Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka xamarjajab ku yaala ee Wardi ayaa ku go’aamiyey in ay shaqada ay ka eryaan Shukri Maxamed Cabdi oo ahayd howlwadeenkii Caafimaad ee sida xun ula dhaqantay Hooyo Khdara xili ay foosha u tagtay xaruntooda Caafimaad ee Xamarjajab ka dibna shuruud ugu dhigtay in ay bixiso lacag dhan $20 ka dib markii ay u sheegtay inesan awoodina udiiday in ay ku umusho xaruntooda.
Maamulka iyo dhaqaatiirta ayaa sheegay in Issbtaalka u furan yahay dawaynaha dhibaataysan, iyadoo aanay jirin wax lacag ah oo ay dadka Caafimaadka u imaanaya ay ku xiraan.
Waxaa ay sheegeen in Khadra oo ahayd gabar dhibane ah oo mudnayd in la caawiyo uu maamulka Isbitaalku u fidiyay gargaar islamarkaana uu geeyay Isbitaalka kale si loogu baxnaaniyo iyada iyo ilmaha yar ee ay dhasahy.
Mas’uul u hadlay Isbitaalka Wardi Shirka ka dib ayaa sheegay in falka foosha xun ee ay Shukri Maxamed kula kacday dhibane Khadra ay tahay mid ka madaxbanaan dhaqanka iyo xeerka Isbitaalka, waana sababtaas mida howlwadeenkaas Caafimaad ay shaqadeedii ku waysay.