Wararka Soomaalida
Maamulka Jubbaland oo si dadban uqirtay in Ciidamo ka goosteen
Iyadoo maalmahanba si aad ah loo hadal hayay in Ciidamo gaaraya 200 oo askari ay ka goosteen Maamulka Jubbaland una goostay dhinaca degmada Luuq ee gobolka Gedo kuna biiray Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Luuq ayaa arinkaas waxaa maanta ka hadlay Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland wuxuuna sheegay in Ciidamo ka baxay Beledxaawo islamarkaana aaday Luuq ay jiraan.
Ciidamadan ayaa waxay ka soo kala baxeen degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo iyadoo ku biiray Ciidamada dowladda dhexe ee Soomaaliya kuna sugan degmada Luuq ee isla gobolka Gedo waxayna ka mid ahaayeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland sida la xaqiijiyay.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa si dadban wuxuu uqiray inay jiraan Ciidamo ka mid ahaa Ciidamadooda Jubbaland ay ugoosteen kuna biiray Ciidamada dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa kaloo uu sheegay Ciidamadan ka baxay Beledxaawo ee gaaray Luuq inay yihiin Ciidan ka gadooday dhankooda ku waasoo ka howlgali jiray xadka Soomaaliya ee Kenya dhanka Gobolka Gedo.
“Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa joogay hal ciidan ku waasoo ahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ammaanka xuduuda ilaalo ka hayay iyagoo uxilsaarnaa la dagaallanka Al-Shabaab waxaa jira ciidan dhallinyaro ah oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga degmada Luuq wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo Saraakiisha xukunta ka dibna uga tagaan xarumahoodii lagu ogaa marka ma aha wax weyn ama sida ay warbaahinta warka ay u dhigayaan meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Saraakiisha horkacaysa Ciidankaas ku biiray Ciidanka Dowladda dhexe oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ciidamada maamulka Jubbaland balse ay ka goosteen iyagoo hadda ku biiray Ciidanka Qaranka Soomaaliya ka dib markii u adkaysan waayeen xad gudubka Ciidamada Kenya ay ku sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Saraakiishaas ayaa intaa hadalkooda raaciyay in mararbadan ay u sheegeen saraakiisha ka saraysa si ay ula hadlaan dhibna ka daayaan Shacabka Ciidamada Kenya laakiin wax jawaab ah ka waayeen ka dibna cabashada shacabka ugudbiyeen Axmed Madoobe si la mid ah sidii Saraakiishii markii hore ay lahadleen oo kale Axmed Madoobe uu ka aamusay oo wax jawaab ah ay ka heli waayeen sidaas awgeed is kiiga soo goosteen maamulka Jubbaland.