Wararka Soomaalida

Maamulka Puntland oo caruur ku dhow 30 dib ucelinaya+Sawiro

War caawa ka soo baxay wasaaradda Haweenka iyo arimaha qoyska ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Caruur habaw ah oo muddo ay ku hayeen Magaalada Garowe hadda ay go,aansadeen inay dib ugu soo celiyaan qoysaskooda oo ku kala nool Magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Baydhabo. Wasiirka Haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland ayaa waxay kaloo […]

Published

on

War caawa ka soo baxay wasaaradda Haweenka iyo arimaha qoyska ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Caruur habaw ah oo muddo ay ku hayeen Magaalada Garowe hadda ay go,aansadeen inay dib ugu soo celiyaan qoysaskooda oo ku kala nool Magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Baydhabo.

Wasiirka Haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland ayaa waxay kaloo sheegtay in caruurtan oo habaw ah ay ka soo qabteen Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ka dibna in muddo ah ay hubinayeen wax ay yihiin iyo ujeedka Caruurtan uyimaadeen Boosaaso iyo Garowe ka dib markii ay ogaadeen in ay yihiin kuwo soo dhumay ama laga soo xaday ehelkooda hadda ay ku talojiraan inay dib ugu celiyaan qoysaskooda.

ilmahan oo aad uda,yar ayaa tiradoodu waxay gaaraysaa 21 Caruur ah iyagoo sheegay inay ka soo kala jeedaan Magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Baydhabo ehelkooduna halkaas ay ku nool yihiin.

“Anagoo kaashaneyna hay’adaha qaarkood sida Unicef iyo Tadaamun ayaa waxaa maalmaha soo socda dib ugu celineynaa Muqdisho caruur tiradoodu tahay 21 Canug oo siyaabo kala duwan looga soo xaday Waalidiintooda anaguna hadda waxaan ku dadaalaynaa si ay qoysaskooda ula Midoobaan”ayay tiri isu duwaha wasaaradda Haweenka iyo arimaha qoyska ee Maamulka Puntland Ayaan Nuur.

Ayaan Nuur ayaa hadalkeeda intaas raacisay iyadoo sharaxaad ka bixinaysa Caruurtan ay hayaan in 11 ka mid ah reer Muqdisho yihiin 7 ka mid ah ay yihiin kuwo ehelkooda degan yihiin degmada Afgooye halka labada soo hartayna loo gudbin doono Magaalada Baydhabo.

Warkan ka soo baxay wasaaradda Haweenka iyo arimaha qoyska ee Maamulka Puntland ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Caruurtan ay ka war haynayaan ilaa ehelkooda ay kala midoobayaan.

Wasaaradda Haweenka iyo arimaha qoyska ee Maamulka Puntland ma,aysan sharixin qaabka Caruurtan ku yimaadeen Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso iyo sidoo kale cida soo xaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version