Wararka Soomaalida

Maamulka Puntland oo War ka soo saaray Siyaasiyiinta ismucaaradsan ee ka qayb galaya Caleema Saarka hogaamiyaasha Puntland

Maalinta beri ah Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland iyadoo xafladaas ay ka qayb galayaan wufuud kala duwan oo iskuuga jirta ajanabi iyo Soomaali. Caawa Magaalada Garowe waxaa ku sugan oo ku hooyanaya Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo kala siyaasad duwan siweyna […]

Published

on

Maalinta beri ah Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland iyadoo xafladaas ay ka qayb galayaan wufuud kala duwan oo iskuuga jirta ajanabi iyo Soomaali.

Caawa Magaalada Garowe waxaa ku sugan oo ku hooyanaya Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo kala siyaasad duwan siweyna iskuuga khilaafsan Siyaasadda Soomaaliya iyagoo iskuuga jira Madaxda Xisbi siyaasadeed ee kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo horumarka ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Labadaas hogaamiye ee Xisbiyada waxay siweyn uga soo hor jeedaan Dowladda federalka Soomaaliya.

Dhinaca Dowladda dhexe ee ku sugan Garowe waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Golaha Aqalka sare oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Waxaa kaloo ku sugan Garowe Madaxweyniyaasha Jubbaland iyo Galmudug Axmed Madoobe iyo Xaaf oo siweyn udhaliishan Madaxda federaalka Soomaaliya kana soo haray Golihii iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Xog si hor dhac ah uu u helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaysa in Magaalada Garowe uu ku sugan yahay Madaxweyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Haddaba Xaflada Caleema Saarka Hogaamiyaasha cusub ee Puntland ka qayb galka Xafladaas Siyaasiyiintan isdiidan ayaa waxaa War ka soo saaray Gudiga qaban qaabada Xaflada waxayna ka digeen in Xaflada Caleema Saarka looga faa,iidaysan ujeedooyin gaar ah.

Wasiirka War faafinta Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka mid ah Gudiga qaban qaabada Xaflada Caleema Saarka oo Garowe kulahadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Madaxda Xisbiyada ee mucaaradka ku ah Madaxda Dowladda dhexe Soomaaliya ay kalahadli doonaan Khudbadaha ay ka jeedinayaan Xafladda.

Wasiir Qarjab ayaa intaas kubdaray in Xafalada ay ku kooban tahay Caleema Saarka Madaxda cusub ee Puntland wax ka baxsan arintaas oo Siyaasad ah mamnuuc ka tahay cidii wax ka baxsan la timaadana ay kala hadli doono.

Wasiirka War faafinta Maamulka Puntland ayaa ka digay in xaflada laga dhigin meel hadal jeedinta ay isku weeraraan Siyaasiyiinta ka dhexaysa Cadowtinimada Siyaasaadda.

Cabdi Xirsi Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan  Puntland wax ujeedo siyaasadeed oo u gaar ahka lahayn in ay Garowe isugu keento wafuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexayso, balse muhiimadu tahay in Puntland muujiso in ay qadarin uhayso muxaafid iyo mucaarad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version