Wararka Soomaalida
Maamulka sare ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo amar soo saaray
Ka dib markii dhawaan laamaha amniga Muqdisho ay xireen xarunta Forex oo ahayd xarun lacagaha qalaad lagu kala bedesho isla markaana ganacsato farabadan Accounts-yo farabadan ka furteen ayaa waxaa la ogaaday in amarka lagu xiray ay bixiyeen madaxda Bankiga dhexe ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Bankiga dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu farayo bankiyada gaarka loo leeyahay in ay xiraan xisaabaadka ama accounts ka bankiyadaas uga furan ganacsatada iibisa lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah {Forex Trading}.