Wararka Soomaalida

Maamulka Sh/H/iyo Africom oo ka hadlay khasaaro gaaray Al shabaab

War maanta ka soo baxay hogaanka Ciidanka Maraykanka Qaaradda Africa ee Africom ayaa waxaa looga hadlay duqaymihii ugu badbaadnaa ee Abid ka dhacay Shabeelada hoose oo xalay laga fuliyey deegaano ka mid ah Gobolkaas. Duqaymahaas ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee daroonka loo yaqaano waxayna ka fuliyeen deegaanada Jannaale,Awdheegle,Kuunya Barow iyo Dacaare oo […]

Published

on

War maanta ka soo baxay hogaanka Ciidanka Maraykanka Qaaradda Africa ee Africom ayaa waxaa looga hadlay duqaymihii ugu badbaadnaa ee Abid ka dhacay Shabeelada hoose oo xalay laga fuliyey deegaano ka mid ah Gobolkaas.

Duqaymahaas ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee daroonka loo yaqaano waxayna ka fuliyeen deegaanada Jannaale,Awdheegle,Kuunya Barow iyo Dacaare oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Arrimahan ayaa waxay kala dhaceen xalay fiidkii iyo saqdii dhexe ee xalay xili dadka ay soo jeedeen iyo iyagoo hurdayey intuba.

Deegaanadan la duqeeyey ayaa waxaa ku xooggan Maleeshiyada Al shabaab waxayna meelaha qaar ku leeyihiin saldhigyo waa weyn.

Warkan kasoo baxay Taliska Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqaymaha lala bartilmaamsaday Saldhigyada Al shabaab ay ku lahaayeen deegaanada Awdheegle,Jannaale,Kuunya Barow iyo Dacaare khasaaro weyna lagu gaarsiiyey Al shabaab,Saldhigyadaas ayaa waxaa War-saxaafadeedka lagu xusey in lagu burburiyey duqaymahaas xalay ka dhacay Shabeelada hoose.

Hogaanka Africom ayaa wuxuu intaas ku daray in khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyey Al shabaab duqaymaha xalay laga fuliyey deegaanadaas isla markaana ay ku nafwaayeen saraakiil Al shabaab ka tirsanaa.

In kastoo Africom xusin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay haddana waxay carabaabeen in askar iyo madax Al shabaab ah isku gayn in ku dhow 100 ay ku dileen xalay duqaymha ay ka fuliyeen diyaaradahooda Gobolka Shabeelada hoose.

Africom ayaa warka kasoo baxay waxay ku soo gaba gabeeyeen in dadka rayidka ah wax dhibaato ah ka soo gaarin duqaymaha ay labeegsadeen Saldhigyada Albshabaab.

Dhinaca kale waxaa isla arrintan ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Barre wuxuuna xusey in duqaymaha xalay Maraykanka ay ka fuliyeen deegaanada Shabeelada hoose khasaaro weyn lagu gaarsiiyey Al shabaab.

Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay deegaanada la duqeeyey in AL shabaab ay ku lahaayeen Saldhigyo Ciidan isla markaana xalay jab iyo halaag lagu gaarsiiyey duqaymaha markanka  ka fuliyey Shabeelada hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay in la burburiyey dhamaan xarumihii Al shabaab ee ku yaalay Awdheegle, Jannaale, Kuunya Barow iyo Dacaare halkaas oo u ahayd Al shabaab Saldhiyo Shacabka ay ku gumaadaan iyo kuwo Sakawaadka Beenta ah Shacabka looga qaadi jiray iyo Saldhigyo lagu diyaarin jiray qaraxayada sida uu saxaafadda u sheegay Maxamed Ibraahim Barre.

Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyey in duqayntii xalay ee Shabeelada hoose Al shabaab looga dilay 100 iskuuga jira Ciidan iyo saraakiil Al shabaab ah sida uu warka udhigay Maxamed Ibraahim Barre.

Waa markii ugu horaysay Afar goobood hal habeen diyaaradaha Maraykanka duqayn ka fuliyaan Gobolka Shabeelada hoose.

Deegaanada duqaynta laga fuliyey ayaa qaar ka mid ah waxay xuduud la wadaagaan Gobolka Jubbada dhexe waana meelaha ugu Xoogga badan yihiin Al shabaab goobaha xalay la duqeeyey.

Al shabaab oo ka jawaabay warka Africom ka soo baxay iyo kan Maamulka Gobolkaas ayaa waxay sheegeen diyaaradaha Maraykanka xalay ay laayeen dad rayid ah dhinacoodana wax khasaaro ah ka soo gaarin bale Al shabaab waxay qoreen in xalay duqaymo aan horay looga baranin Maraykanka ay ka gaysteen Gobolka Shabeelada hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version