Wararka Soomaalida

Maamulka Soomaaliland oo eedayn ujeediyay dowladda dhexe+Sawiro

Kulan deg deg ah oo maanta ay iskuugu yimaadeen Golaha Wasiirada Maamulka Soomaaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxay eed kala duldhaceen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyagoo ku eedeeyay in marwalba ay ku taagan yihiin Soomaaliland iyo shacabkeeda Dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale waxay baaq udireen beesha caalamka waxayna u sheegeen in Dowladda federaalka Soomaaliya ku […]

Published

on

Kulan deg deg ah oo maanta ay iskuugu yimaadeen Golaha Wasiirada Maamulka Soomaaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxay eed kala duldhaceen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyagoo ku eedeeyay in marwalba ay ku taagan yihiin Soomaaliland iyo shacabkeeda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxay baaq udireen beesha caalamka waxayna u sheegeen in Dowladda federaalka Soomaaliya ku hayso faragelin iyo dagaal joogto ah Shacabka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliland sida qoraalkooda udhigeen Maamulka Soomaaliland ka dib war saxaafadeed ka soo naxay kulanka Golaha wasiirada Maamulka Soomaaliland.

Eedan ka soo baxday Soomaaliland iyo baaqa beesha caalamka ay udireen ayaa waxay imaanayaan ka dib markii Dowladda federaalka Soomaaliya xiriirka Diblomaasi ujartay dalka ku yaala Galbeedka Africa ee Guinea ka dib markii Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi dalkaas loogu soo dhaweeyay sida Maqaam Madaxweyne dal wax udhigma oo kale ah.

War saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu yiri”Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka Maamulka Somaliland ayaa uga digay dowlada Somalia iney qalalaase ka abuurto gobolka geeska Afrika.

“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in Maamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh inuu ka abuuro mandaqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer Ugu dambeyn waxaan shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-Saxaafadeedka kasoo baxay golaha wasiirada Somaliland oo u qornaa sidan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version