Wararka Soomaalida

Maamulka Soomaaliland oo jawaab adag ka bixiyey hadalkii Gudoomiye Goodax Barre

Wasiirka war faafinta Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Faarax Guri barwaaqo ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii shalay ka soo yeeray Gudoomiyaha gudiga hanti soo celinta Qaranka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ahna Wasiirka waxbarashada Soomaaliya. Gudoomiye Cabdulaahi Goodax Barre ayaa shalay sheegay in xataa Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha u qorshaysan ee […]

Published

on

Wasiirka war faafinta Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Faarax Guri barwaaqo ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii shalay ka soo yeeray Gudoomiyaha gudiga hanti soo celinta Qaranka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ahna Wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Gudoomiye Cabdulaahi Goodax Barre ayaa shalay sheegay in xataa Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha u qorshaysan ee laga howlgalayo si ay u soo celiyaan hantida Qaran ee maqan.

Wasiirka war faafinta Maamul goboleedka Soomaaliland Cabdiraxmaan Guri barwaaqo oo soo saaray War-Saxaafadeed ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid raqiis ah Gobolada waqooyina wax shaqo ah ku lahayn dowladda Soomaaliya amarkoodana ka shaqaynaynin Soomaaliland.

“Xukuumadda Somaliland wax qiimo ah uguma fadhiyo hadalada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxaana dhaqan ka noqotay in ay sheegato Somaliland oo ah dal madax bannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor,dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM,waxaa la yaab noqotay in ay shalay ku dhawaaqday in ay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay in ay ku jirto Somaliland,taasi oo ay uga dan leedahay in ay iskaga dejiso culaysyada iyo carada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas.” ayuu yiri wasiirka war faafinta Maamulka Goboleedka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi.

Guri barwaaqo ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in ay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika ayna ka waantowdo wax uu ku tilmaamay laab la kaca ay ku hawaysanayso in ay farogeliso Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version