Wararka Soomaalida
Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay Eryadda Xoghayihii QM ee Soomaaliya
Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay Eryadii la,eryay Wakiilkii Xoghayihii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ee shalay Wasaaradda arrimaha Dibadda eeDowladda Soomaaliya War Saxaafadeed ka soo baxay lagu eryay. Warkan ka soo baxay Maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay in Nicholas Haysom intii ii joogay Soomaaliya uu qabtay shaqo fiican oo dib uheshiisiin ah. Waxay kaloo […]
Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay Eryadii la,eryay Wakiilkii Xoghayihii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ee shalay Wasaaradda arrimaha Dibadda eeDowladda Soomaaliya War Saxaafadeed ka soo baxay lagu eryay.
Warkan ka soo baxay Maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay in Nicholas Haysom intii ii joogay Soomaaliya uu qabtay shaqo fiican oo dib uheshiisiin ah.
Waxay kaloo sheegeen Maamulkaas Warka Dowladda dhexe ka soo baxay in dhinacooda qusaynin xiriirkii QM ee dhankooda sidii awal ay ula shaqayn jireen ay ula shaqaynayaan.
War Saxaafadeedka Maamulka Soomaaloland ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey in Ambassador Nicholas Haysom uu u yahay Wakiilka QM ee Soomaaliya.