Wararka Soomaalida

Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay Xafiis Kenya ka furanayso Hargaysa

Maalmahamba dambe ayaa waxaa la,isla dhaxmarayey wararka sheegaya in dowladda Kenya ay damacsan tahay in Xafiis safaaradeed ka furanrabto Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland iyadoo wararkaas si aad ah isu soo tarayeen hadal hayntiisa. Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa cadeeyey mowqifka […]

Published

on

Maalmahamba dambe ayaa waxaa la,isla dhaxmarayey wararka sheegaya in dowladda Kenya ay damacsan tahay in Xafiis safaaradeed ka furanrabto Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland iyadoo wararkaas si aad ah isu soo tarayeen hadal hayntiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa cadeeyey mowqifka Maamulka Soomaaliland ee kaga aadan wararka sheegaya in dowladda Kenya Xafiis safaaradeed ka furanayso Hargaysa.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay in arintan muddo dheer soo socotay dowladda Kenyana waxbadan ay ka wadahadleen arimahaas haddana ay soo dhaweynayaan in xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliland iyo Kenya uu sii hagaago laakiin wali arintaas Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdikariim wali Saxiixin.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland ayaa sheegay in arinta xafiis ka furashada Kenya ee Magaalada Hargaysa dhawaan la hor geeyey Golaha wasiirada ayna ogolaadeen in Kenya Safaarad ka furato Soomaaliland laakiin Madaxweynaha Soomaaliland uu ku maqanyahay dalka dibadiisa markii uu soo laabto ay ka rajaynayaan in go,aankaas uu qalanka ku duugo.

“Xafiiska Kenya ay ka furanayso Soomaaliland arinkaas waa mid muddo dheer laga shaqaynayey sidii uqabsoomi lahaa waana arin aad ufiican in aan wanaajino xiriirka anaga iyo Kenya naga dhaxeeya ayna xafiis ka furtaan deegaanadeena waana soo dhaweynaynaa aadna waa ugu rajo weenahay qabsoomida arinkaasi laakiin go,aankan Madaxweynaha midoo ogolaaday islamarkaana uu saxiixay ma,ahan soo jeedinta Golaha wasiirada ayey ahayd wayna isku raaceen Madaxweynaha oo safar ku maqan ayaan sugaynaa rajo fiican ayaana lagu qabaa inuu ogolaan doono go,aankaasi dabadeedna uu saxiixi doono”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe kasta ee dowladda federaalka Soomaaliya ay kaga caraysiinayso ka dib markii dowladda Soomaaliya dacwadda Badda ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ugudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ iyadoo dowladda Kenya talaabada Soomaaliya ay aad ugu carootay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version