Wararka Soomaalida

Soomaaliland oo wajahaya cadaadis xoog leh

Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xoog leh saaray  Soomaaliland wixii ka dambeeyay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Guinea ka dibna Madaxweynaha dalkaas Alpha Conde uu usameeyay habmaamuus udhigmaya sida loo maamuuso Madaxweyniyaasha caalamka laga aqoonsan yahay oo kale Muuse Biixi booqashadiisii Caasimadda wadanka Guinea ee Conakry. Dowladda federaalka ayaa […]

Published

on

Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xoog leh saaray  Soomaaliland wixii ka dambeeyay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Guinea ka dibna Madaxweynaha dalkaas Alpha Conde uu usameeyay habmaamuus udhigmaya sida loo maamuuso Madaxweyniyaasha caalamka laga aqoonsan yahay oo kale Muuse Biixi booqashadiisii Caasimadda wadanka Guinea ee Conakry.

Dowladda federaalka ayaa markii dambe xiriirka Diblomaasiyadeed ujartay Jamhuuriyadda Guinea ka dib safarkaas iyo habmaamuuskaas Guinea ay usameeyeen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.

Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa intaas ka dib dacweeysay madaxda Jamhuuriyadda Guinea iyagoo ku dacweeyay Midowga Africa iyo qaar kale oo Yurub ka tirsan waxaana soo wajahday Madaxweynaha Dalka Guinea Alpha Conde cadaadis dhanka diblomaasiyada ah isagoo markii dambe ka gaabsaday arimaha Soomaaliland.

Xiriirkii diblomaasiyadeed ee Dowladda federaalka Soomaaliya ujartay Guinea ayaa waxaa baqdin iyo gadaal ugurasho ku beertay wadamo aad udanaynayay in Soomaaliland loo aqoonsado dal madax banaan iyagoo hadda ka baqdin qaba haddii ay soo dhaweystaan madaxda maamulka Soomaaliland inay qabsato sidii ku dhacday Madaxweynaha dalka Guinea ee Alpha Conde.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Maamulka Soomaaliland ka soo xirxirtay xiriirkii qaar ka mid ah waddamada caalamka ay lalahaayeen Maamulka Soomaaliland sida wadamada Carabta oo ugu tun weyn yahay Sucudiga.

Madaxda Soomaaliland ayaa hadda waxaa haysta cadaadis siyaasadeed oo Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka saareen arimaha dibadda iyadoo hadda ay marayso heer Ganacsatadii deegaanadooda ku noolaa Xoolahoodii lagu xannibay wadamada Carbeed ee Sucudiga iyo Cuman.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version