Wararka Soomaalida

Maareeye iyo Goodax oo ka dhax tafatay

Published

on

Wasiirada waxbarashada Soomaaliya iyo Warfaafinta ayaa hadda waxaa ka dhax taagan muran dhanka gudi uu dhisay Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku aadan yahay khilaafkooda labada wasiir iyadoo wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu ka hor yimid gudigaas uu dhisay wasiir Goodax Barre.

Wasiirka Maareeye ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku gacan seeray wax kama jiraanna ku tilmaamay Guddiga Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska oo maanta uu dhisay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Qoraalka uu soo saaray wasiir Maareeye ayaa wuxuu ku sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan iyadoo Mas’uuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa sida qoraalkiisa uu ku sheegay wasiir Maareeeye.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maarewye ayaa wuxuu aheegay in labada wasaaradood shaqooyinkooda ay kala madaxbanaan yihiin wasaaradda warfaafinta ay leedahay mas’uuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka golaha murtida iyo wacyigelinta iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage).

Qoraalkan ka soo baxay wasiir maareeye ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaaradda waxbarashada wax shuqul ah ku lahayn dhaqanka ayna tahay mas’uuliyad ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.

“waxaanu halkan ku cadeynaynaa in gudigaas ay wasaaradda waxbarashadu maanta ku dhawaaqday uu yahay guddi baalmarsan nidaamka loo dhiso gudigan oo kale isla markaana aanu sharci ahayn sidoo kale meteli karin bahda dhaqanka iyo warfaafinta ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu dambeyn sheegay in dhowaan wasaaraddiisu bilaabi doonto dhismaha guddi qaran oo si hufan loo dhisay ayna ku mideysan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda iyo kuwa doorka ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed.

Trending

Exit mobile version