Wararka Soomaalida

Maareeyihii dekadda Jabuuti oo aas Qaran loo sameeyay

Published

on

Alle ha,raxmadee maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Djabuuti ayaa waxaa aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Sacad Cumar Geelle oo dhowaan ku geeriyooday dalka France ka dib xaalad Caafimaad oo dalkaasi loo geeyay ka dibna xanuunkii hayay Awgeed ugeeriyooday.

Marxuumka ayaa waxay wada dhasheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaana geeridaas ka wada tacsiyadaysa dhamaan Madaxweyniyaasha maamulada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Aaska Qaran ee maanta loogu sameeyay Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiyaha golaha wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax,wasiiro,Xildhibaano iyo Ganacsato caan ka ah deegaanada Soomaaliland.

Wafdiga Soomaaliland ee uu hogaaminayay Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan tacsi gudasho ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo ugu tacsiyadeeyay geerida ku timid walaalkiisa Sacad Cumar Geelle in ilaahay ka siiyo samir iyo iimaan isagana qabrigiisa ilaahay uwaasiciyo.

Meydka marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagula dukaday mid ka mid ah Masaajida magaalada Jabuuti ka dibna waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaala duleedka magaalada iyadoo shacabweyne aad utirabadan aaska marxuumka ay ka qayb galeen.

Aaska Qaran ee maanta loo sameeyay marxuum Sacad Cumar Geelle maarewyihii hore ee dekada Jabuuti sidoo kale ah walaalka la dhashay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah wadamada caalamka sida wadanka Faransiiska oo kale.

Wafdigii ka socday Soomaaliland ee uu horkacayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Hargaysa ee Soomaaliland ka dib markii ay ka soo qayb galeen aaska qaran ee loo sameeyay maareeyihii hore ee dekadda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle.

Trending

Exit mobile version