Wararka Soomaalida
Madasha Xisbiyada Qaran oo gaaray Beledweyne
Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta u duulay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyadoo ay horkacayaan Xisbiyadaas midoobay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay ka degeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee magaalada Beledweyne xili garoonku biyo ay fadhiyeen ka dib markii xalay Roob lixaad leh uu ka da’ay magaalada Beledweyne.
Diyaaradii siday Madaxdan ayaa qadar saacado ah cagadhiganwayday garoonka ka dib Roobkii xalay ka da’ay magaalada Beledweyne awgeed oo wabiga uu ku fatahay garoonka waxaana diyaaradaas waday mas’uuliyiinta saacado ku dul wareegaysa hawada ilaa markii dambe biyihii dhax jiifay garoonka laga nadiifo iyadoo markii dambe si nabad ah ku degtay diyaaradaas garoonka Beledweyne.
Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay wadaan gargaarkii lacageed ee ay ugu talo galeen inay gaarsiiyaan dadkii ay saameynta ku yeelatay fahaaddihii Baledweyne iyo sidoo kale inay ogaadaan xaalada qoysaska sida ay tahay noloshooda guud.
Wafdigan ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sharif Sheekh Axmed ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka titsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.