Wararka Soomaalida

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hadlay Qaeaxii Excontrol Afgooye

Published

on

Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ‎”UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabada iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay musiibadii saakay ka dhacday isgoyska ex contorol Afgoi.

“‎Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qaraabadii iyo eheladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkii bahalnimada ahaa ee saaka ka dhacay ex-kontorool.

Dadka Soomaaliyeed ha u midoobeen iska caabbinta iyo cirib tiridda cadowga ku haayo dagaalka lagu gummaadayo shacabka aan waxba galabsan. Dagaalkaas oo aan loo heleyn, aakhiro iyo adduunyaba, wax cudurdaar ah oo lagu daadiyo dhiiggooda.

Nabaddiidku waa cadaw dadka Qofqof iyo unmmad ahaanba. Inta u gargaarta iyo inta aan cadow ummadeed iney yihiin aan u arag ee laabta kala jira ama u adeega oo fikirkooda aan col la ahayn Allaha soo hanuuniyo.

Ilaahey aan talo saaranno aanan iska dhicino cadowga arxan laawaha ah ee Shabaab iyo kuwa u shaqeeyo ama la shaqeeyo”

Dhinaca kale Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxaasi ka dhacay Excontrol afgooye.

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay Qaraxa dadkii ku dhintay.

Ugu horreyn waxaan murugada la wadaagayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed anigoo cambaareynaya falkii foosha xumaa ee argagixisada Shabaab ay ku laayeen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan maanta.

Marka labaad waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada dadkii ku dhintey ilaahay ha u naxariisto, kuwa dhaawacmayna allaha noo caafiyo.

Argagixisadu waxay duulaan ku tahay jiritaanka qarannimadeena waana waajib na wada saaran inaan u midowno sidii looga hortagi lahaa, waxaana ku baaqayaa shacab, madax iyo dowladba in ay u wada istaagaan la dagaalanka kooxdan sida arxanka daran u gumaadeysa umaddeena.

Trending

Exit mobile version