Wararka Soomaalida

Madasha Xisbiyada Qaran oo shir deg deg ah iskuugu yimid

Published

on

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran shir caawa ay iskuugu yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa marka hore waxay kaga tashadeen sidi loo garab istaagi lahaa dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday qaraxi shalay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho iyagoo isku raacay in kaalintooda ka qaataan caawinta dhaawacyada jiifa Isbitaalada Muqdisho.

Intaas ka dib ayaa mas’uuliyiinta Madasha Xisbiyada Qaran waxay tashi dheer ugaleen arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka iyo sidoo kale sidi taageerayaasha Xisbiyadan midoobay umadda Soomaaliyeed ugu abaabuli lahaayeen inay doorkooda qaataan isla markaana Madasha Xisbiyada Qaran ay bilaabaan Ololahooda siyaasadda.

Shirkan oo shir guddoominayay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Ahmed ayaa sidoo kale waxay siweyn ugu doodeen arimaha sharciga doorashooyinka Qaran oo shalay ay ansixiyewn Golaha Shacabka haatana hor yaalla Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Dood dheer dabadeed hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku raacay inay ka war sugaan Golaha Aqalka sare talaabooyinka ay ku dhaqaaqaan wixii intaas ka dameeya laga aamuso.

Trending

Exit mobile version