Wararka Soomaalida
Madax ka tirsan Gudiga maamul dhisidda Galmudug oo dil ka badbaaday
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu weeraray Maxamed Axmed Cantoobo iyo Dr Cumar Aadan Roobe oo ka mid ah Gudiga maamul dhisidda Galmudug ka dib markii dablay hubaysan rasaas ay ku fureen mas’uuliyiintan ka tirsan Gudiga maamul dhisidda Galmudug.
Cantoobo iyo Dr Cumar Aadan ayaa la weeraray caawa xili ay sii galayeen hoyga Dhuusa-mareeb ay ka degan yihiin,Cantoobo oo ah Agaasimaha arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin sare oo ka tirsan Gudiga maamul dhisidda Galmudug iyo Dr Cumar Aadan Roobe oo asna Gudigaasi xubin sare ka ah ilaalo la socotay iyo kooxda weerarka ku soo qaaday wuxuu dagaalkooda uu socday ku dhowaad 30 daqiiqo sida goobjoogiyaal Wargayska Tusmotimes ay usheegeen.
Iska hor imaadkaas ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac midna soo gaarin kooxda rasaasaysay mas’uuliyiinta iyo Ciidamadooda.
Saraakiisha amniga Dhuusa-mareeb oo ka hadlay shaqaaqadaasi ayaa sheegay inay soo qabanayaan kooxda wax weerartay.